Madaxweyne iyo Maayer Isu dhaartay oo kulmay

0
46

Madaxweynaha Maraykanka iyo Maayerka magaalada New York ooh ore isugu dhaartay oo midba ka kale weeraray,ayaa yeeshay kulankoodii koobaad ka dib markii Maayerka New York  uu doorashada kusoo baxay maayer Muslim ah oo taariikhda Maraykanka markiii ugu horraysay magaalasaas loo doortay Maayer Muslim ah.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hore ugu hanjabay markii uu Maayerka New York Zohran Mamdani ku jiray ololaha doorahada in uu dalka   ka Mastaafurin doono, halka Maayer  Zohran Mamdani uu ku galay ololihiisii doorashada in uu qaban doono oo uu Maxkamadda caalamiga ah u dhiibi dooni Raysal-wasaaraha dalka Israa’iil  haddii uu yimaaddo New York.

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa kula kulmay Aqalka Cad duqa cusub ee la doortay ee New York Zohran Mamdani oo ay wada qaateen kulankii lagu tilmaamay inuu noqon doono is-mariwaagii siyaasadeed ee sanadka, balse markii dambe noqday kulan amaan isku qirad labada dhinac ah.

Khudbadiisii guusha doorashada duqa cusub ee isku tilmamaay Dimuqraadi hantiwadaag ah ayaa ku tilmaamay Trump ”kaligii taliye”

Waxaana kulankii Jimcihii  ka hor afhayeenka madaxweynaha ay ku tilmaantay booqashada Mamdani ”shuuci imanaya Aqalka Cad”.

Balse iyaga oo isdhinac taagan gudaha Aqalka Cad ayaa labada nin codkoodu uu noqday mid si lama filaan ah u deggen oo isu dhow.

Marar badan ayay labaduba ay muujiyeen danaha ay wadaagaan ee la xidhiidha wax ka qabashada dhibaatada sicir bararka iyo la qabsiga qiimaha maciishada ee magaalada New York. Waxaa ay ahaayeen kuwo marar badan dhoolacadeynaya, Trump ayaa u muuqday in uu la qoslayo su’aalaha wariyayaasha ka weydiinayaan weeraradii siyaasada ee Mamdani uu u jeedinayay dhankiisa.

Dabacsanaanta kulanka ayaa u muuqatay inay lama filaan ku ahayd falanqeeyayaasha siyaasada, balse ay sidoo kale muujisay in labada dhinacba ay fahmayaan in xallinta dhibaatooyinka la qabsiga qiimaha nolosha ay muhiim u tahay guushooda siyaasadeed.

Waa arrin la sugayo inuu sii jiri doono is-afgaradkan marka uu Mamdani xilka la wareego 1-da Janaayo.

Ilaa waqtigaas, ”Anigu waan u sacbin doonaa” ayuu yidhi Trump.

Isfahamku waxa uu muuqday isla markii y bilaabeen inay saxaafadda la hadlaan.

Iyaga oo la hadlayay warbaahinta kadib kulan gaar ah, ayaa Mamdani uu ka taagnaa Trump midigta, isaga oo gacmaha isku haysta, halka madaxweynaha uu fadhiyay. Luuqadda jidhkoodu waxay ahayd mid deggan – gaar ahaan Trump.

Trump ma  weerarin Mamdani, taa beddelkeedna dhowr jeer ayuu ammaan u jeediyay.

Madaxweynuhu waxa uu muujiyay rejo ah in Mamdani uu noqon doono “guddoomiye aad u wanaagsan.”

Waxaana markii dambe, uu ku daray inuu “hubo in uu shaqo fiican qaban karo.”

 

Mamdani iyo Trump ayaa is-weydaarsaday eedeyn siyaasadeed intii lagu jiray ololaha doorashada duqa magaalada. Wariye ayaa xasuusiyay labadooda in Trump uu Mamdani ugu yeedhay “shuuci,” halka Mamdani uu madaxweynaha ugu yeedhay “kaligii taliye.”

Labadooduba waxa ay ka weecdeen su’aalahaas hore, waxayna dib ugu laabteen hadallo ammaano ah. Trump xitaa waxa uu u oggolaaday Mamdani inuu ka jawaabo su’aal ahayd inuu madaxweynaha u arko “faashiist.aha”

“Waa hagaag, waxaad si fudud u odhan  kartaa haa,” ayuu Trump yidhi isaga oo gacanta si fudud ugu dhufanaya kuna qoslaya. “Waa ay ka sahlan tahay inaad sharaxdo.”

Markii uu ku soo dhawaaday Trump dhaleeceynta siyaasadaha Mamdani ayaa ahayd markii uu yidhi: “Wuxuu leeyahay aragtiyo waxyar ka fog.”

Trump waxa uu iska diiday su’aal weerar ah oo bahwadaagtiisa xildhibaanada Jamhuuriga Elise Stefanik ay ku sheegtay Mamdani “jihaadiste”.

“Ma u malaynaysaa inaad hadda la taagan tahay ‘jihaadiste’?” ayaa la weydiiyay.

Mamdani iyo Trump waxa ay wadaagaan hal shay: labaduba waa reer New York, waxayna ka soo jeedaan Queens. Trump waxa uu ku dhashay Jamaica Estates, halka Mamdani uu degan yahay Astoria.

Waxay wadaagaan “jacayl la wadaago” oo ay u qabaan magaalada, sida uu Mamdani sheegay.

“Magaaladan waxay noqon kartaa mid cajiib ah – haddii uu guul weyn gaadho, aad baan ugu farxi doonaa,” ayuu yidhi oo ka hadlayay magaalada uu ku dhashay

.