“Hadafkeenna ugu Weyni Waa Horumarinta iyo Dhismaha Dalkeena” Wasiir Geeljire

0
251

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL, Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa sheegay in Somaliland ay ku socoto hadafkeeda ah in dunida laga aqoonsado, isla markaana arrintaas ay abuuri karto cadow ka soo horjeeda wanaaga dalka.

Wasiirka ayaa xusay in cadowga looga hortagi karo midnimo iyo feejignaan, isagoo tilmaamay in dadaalka iyo halgankii dadka Somaliland u soo halgameen ay hoy u tahay nabadgelyada iyo horumarka maanta la wada gaadhay.

Waxaanu yidhi.“In badan ayaynu dalkan u soo halganey, wax u dhinta wax u gaajoogda loo soomaray, Buurta figteeda ayaa taaganay, waxaana inoo muuqdq dooxadii Barwaaqada ahayd ee aan ku soconay, taasina waxay abuureysaa cadow badan oo wanaaga inala jeclayn, waxaynu kaga bixi karnaa midnimo iyo feejignaan, wixii loo dhintey ee loo halgamey waa nabadgelyada aynu maanta wada hadhsaneyno”Wasiirka Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada JSL.