Qore Wariye C/wahaab Daahir
Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed ayaa sheegay in Arbacada maanta la furi doono Seeraha Aroori, waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay tahay markii labaad ee xoolaha loo furo Seeraha Aroori muddadii ay majaraha u hayeen wasaaradda.
Wasiir Cumar shacayb ayaa waxa cadeeyey in sanaddii ina dhaaftay ee 2025 ay seeraha ku badbaadeen xoola gaadhaya 1, 500,000 kun oo neef, iyadoo halkaasi loogu diyaariyay Dhakhatiirta xoolaha iyo waraab ku filan xarunta dhexdeeda ah.
Seeraha Banka Aroori ayaa waxa la filayaa in ay iskugu imaan doonaan xoolo dhaqato aad u tiro badan, waxana wasiirku guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Togdheer ugu baaqay inay dadka abaartu saamaysay ee halkaasi iskugu imaan doona u sameeyaan garab istaag madaama ay yihiin dad meelo kala duwan xoolaha ka keenaya isla markaana ay abaartu saamaysay.
Waxa kale oo uu Cumar shucayb maamulka gobolka Togdheer u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan amaanka goobta maadaama goobta ay ku kulmi doonaan dad aad u tiro badan isla markaana xoolahooda la soo doontay calaf, Biyo iyo Caafimaad. Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Cumar shucayb Maxamed ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook waxana uu u dhignaa sidan:
“Seeraha aroori waa markii labaad ee intii aan xilka haynay la furayo.
Sanadkii 2025 Waxaa ku badbaaday xoolo gaadhaya 1, 500,000 kun oo xoolo ah, waxa kale oo loo diyaariyay Dhakhatiirtii xoolaha oo diyaar ku ah goobta iyo waraab ku filan xarunta dhexdeeda. Hadaba wasaarad ahaan shacabka reer togdheer u sheegaynaa in AROORI ay iskugu imanayaan kumanaan reer guuraa meelo kala duwan ka yimi, sidaa darteed cidii dadkaa abaartu hayso Rashin amba wax taakulayn ah ku caawin kartaa waa soo dhawaynayaa waayo waa marka keliya ee meel qudha laga wada helayo dadkeena xoolo dhaqatada ah.
Ugudanbayn Waxaan Maamulka Gobolka iyo degmada Togdheer ka codsanayaa inay FURITAANKA SEERAHA ay kala qayb qataan oo ciidamo ku filan la geeyo si dadka nabadgelyadooda loo ilaaliyo”ayuu yidhi wasiir Cuamr Shucayb Maxamed”.
Geesta kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Cali Axmed Cabd (Cali Canter) oo maanta safar shaqo ku tagay magaalada Berbera ayaa waxa uu kormeer ku tagay goobaha xoolaha lagu xanaaneeyo iyo sidoo kale xarumaha ay ku shaqeeyaan dhakhaatiirta ka shaqeeya caafimaadinta xoolaha.
Cali Canter oo ka hadlay shaqada ay qaranka u hayaan dhakhaatiirta ka shaqeeya xaafimaadka xoolaha dalka ka dhoofayaa ayaa waxa uu sheegay inay hayaan shaqo aad u balaadhan balse aanay taasi badalkeeda qaadan aduun ku filan una dhigma shaqada ay hayaan Taasi badalkeedana shaqo kasta oo ay haatan hayaan ay tahay mid ay qarankooda u hayaan isla markaana la gaadhi doono wakhti qaranku uu siiyo aduun u qalma shaqada ay hayaan.
”waxa aad haysaan hawl aad u balaadhan oo aydaan madaxa qaadin, waxaad u haysaan qarankiina, hase ahaatee waxa idinku filan oo idin kafeeya wali gacanta kumaySaan dhigin laakin waxad maraysaan maraaxil, waxan ALLE amarkii Kurajo waynahay in aanu indin gaadhsiino maraaxil aad ku nasataan oo aad ku werwer beeshaan”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga JSL.




















