Arteta oo Go’aanka Amaahda Ethan Nwaneri ku Tilmaamay Arrimo ku Saleysanaa Xaalada Waqtigaas

0
185

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsan in kooxda ay ka shallaayayso inay amaah ku dirtay Ethan Nwaneri ka hor kulanka ay la leeyihiin Wigan Athletic. Su’aashan ayaa timid kadib dhaawacyada soo gaadhay Mikel Merino iyo Kai Havertz, taasoo yaraysay xulashada khadka dhexe iyo weerarka.

Arteta ayaa qosol ku bilaabay jawaabtiisa isagoo yidhi:  “Way fududahay in hadda sidaas la yiraahdo. Go’aanka markii aan qaadanaynay, yaa saadaalin karay in Mikel uu maqnaan doono shan bilood, iyo sidoo kale Kai?”

Wuxuu intaas ku daray in go’aamada lagu saleeyo xaaladda waqtigaas jirta, isla markaana ay u arkeen in amaahdu ay faa’iido u tahay ciyaaryahanka da’da yar.

“Waxaan fahamsanaynay duruufaha jiray, go’aankuna wuxuu ahaa mid u fiican kooxda iyo Ethan labadaba. Inuu tago oo helo daqiiqado ciyaareed, khibrad cusubna ka helo, si uu si fiican ugu soo laabto.” Arteta ayaa muujiyay in amaahdu tahay qorshe horumarineed oo fog, inkastoo xaaladdu hadda adagtahay.