Michael Carrick oo Sare u Qaaday rajada taageeradda Red Devils

0
238

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United, Michael Carrick, ayaa loo doortay Barclays Manager of the Month ee bishii January kadib bilow cajiib ah oo uu ka sameeyay soo laabashadiisa kooxda. Carrick ayaa la magacaabay bartamihii January kadib bixitaankii Ruben Amorim, waxaana isla markiiba uu muujiyay saameyn muuqata.

Tababarenimadiisa ayaa ku bilaabatay guul 2–0 ah oo derbi ah oo ay ka gaadheen Manchester City, ka hor inta aanay 3–2 kaga adkaan Arsenal garoonkooda. Guushaas ayaa noqotay guuldarradii ugu horreysay ee horyaalka ee Arsenal ku soo gaadha gurigooda xilli ciyaareedkan.

United waxay labadaas kulan ka heshay dhibco ka badan intii ay ka heleen saddexdii kulan ee ka horreeyay oo ay la ciyaareen Leeds United, Wolverhampton Wanderers iyo Burnley.

Carrick ayaa si degdeg ah u soo celiyay kalsoonidii kooxda, taasoo sare u qaadday rajada taageerayaasha Red Devils.