Tababaraha kooxda Liverpool, Arne Slot, ayaa xaqiijiyay war aan fiicneyn oo ku saabsan Wataru Endo, isagoo sheegay in ciyaaryahanku maqnaan doono “muddo dheer.” Endo ayaa dhaawac halis ah soo gaadhay intii lagu jiray guushii 1-0 ay Liverpool ka gaadhay Sunderland AFC, kulan lagu ciyaaray xaalado adag oo la xidhiidha cimilada iyo garoonka.
Slot ayaa yidhi: “Dhanka dhaawaca… wali waa inaan qiimeyn sameynaa, balse waa cadahay inuu maqnaan doono waqti dheer.
“Ha iloobin inuu yahay daafac dhexe iyo khad dhexe labada meel ku fiican. Ma aha in boosaskaas aan si buuxda u dabooli karno… waxaan halkaas ka nahay meel nugul.” Maqnaanshaha Endo wuxuu dhabar-jab ku noqon karaa Liverpool, maadaama uu muhiim u ahaa dheellitirka khadka dhexe iyo difaaca, gaar ahaan kulamada adag. Kooxda ayaa hadda wajahaysa caqabado cusub iyadoo la galayo marxalad xilli ciyaareedka oo xasaasi ah.























