FA Cup: Sagaal Kooxood Oo U Soo Gudbay Wareegga Shanaad

0
195

Ugu yaraan sagaal kooxood ayaa xaqiijiyay u soo bixitaankooda wareegga shanaad ee tartanka FA Cup xilli ciyaareedkan, kadib kulamo xiiso leh oo dhacay dhammaadka toddobaadkii lasoo dhaafay.

Habeenkii Jimcaha, Wrexham iyo Chelsea ayaa u gudbay wareegga xiga. Sabtidii waxaa ku biiray Manchester City, West Ham United, Newcastle United, Southampton, Mansfield Town, Norwich City iyo Liverpool.

Manchester City ayaa 2–0 ku garaacday Salford City garoonka Etihad, halka Crysencio Summerville uu goolka guusha u dhaliyay West Ham waqtiga dheeriga ah kulankii ay la ciyaareen Burton Albion.

Newcastle United ayaa ka adkaatay Aston Villa oo 10 ciyaaryahan ku dhammaysatay, halka Liverpool ay 3–0 ku garaacday Brighton & Hove Albion.

Axadda, Arsenal waxay martigelinaysaa Wigan Athletic, Fulham waxay booqanaysaa Stoke City, Oxford United waxay la ciyaaraysaa Sunderland, halka Wolverhampton Wanderers ay la kulmayso Grimsby Town.