Xiddiga garabka Chelsea, Pedro Neto, ayaa dhigay laba rikoodh taariikhi ah kadib markii uu seddexley dhaliyay guushii 4-0 ee Blues ka gaadheen Hull City tartanka FA Cup wareega afaraad.
Saddexda gool ee Neto iyo halka gool ee uu dhaliyay Estêvão Willian ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay u gudubtay wareega 16-ka FA Cup.
Sida uu sheegay OptaJoe, seddexleydan Neto ayaa noqotay tii ugu horreeysay ciyaaryahan Chelsea ka dhaliyay maalintii Jimcaha tan iyo markii George Hilsdon uu saddex gool ka dhaliyay Middlesbrough bishii Janaayo 1909.
Intaas waxaa sii dheer, Neto ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Premier League ka dhaliya seddexley ciyaar dhacday taariikh 13 jimce.
Neto, 25 jirkan reer Portugal, ayaa ka yimid Wolves sannadkii 2024 wuxuuna noqday mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka u ah Chelsea. Wuxuu rajeynayaa inuu hogaamiyo kooxda Liam Rosenior marka ay booqdaan Burnley kulanka xiga ee Premier League.




















