Washington (Dawan) Machadka Cilmi-baadhista Hudson Institute ee dalka Maraykanka ayaa ku boorriyey dawladda Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka inay raacaan go’aankii taariikhiga ahaa ee Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland. Warbixinta Hudson ayaa si faahfaahsan u muujinaysa sababaha muhiimka ah ee ay tahay in Maraykanka iyo xulafadiisu ay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland, oo ah dal buuxiya dhammaan shuruudaha dowladnimada.
Warbixinta Machadka Hudson Institute ayaa sidoo kale muujinaysa in aqoonsiga Somaliland aanu kaliya ahayn arrin sharci ah, balse uu sidoo kale yahay go’aan istiraatiijiyadeed oo muhiim u ah ammaanka iyo xasilloonida gobolka. Isla markaana ay muhiim tahay la fahmo in go’aanka aqoonsiga ee Israa’iil uu yahay mid ku saleysan xaqiiqooyin juqraafiyeed, taariikh cad, sharciyad adag, iyo mid istiraatiijiyadeed. Kaas oo ah tallaabo muhiima oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee gobolka iyo danaha istiraatiijiyadeed ee caalamiga ah.
Xaruntan Cilmi-baadhista ee Hudson Institute waxay iftiimisay muhiimadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somalialnd u leeyahay ammaanka iyo xasiloonida caalamka, waxaana lagu yidhi “Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedku waa inay aqoonsadaan Somaliland. Sababta oo ah aqoonsiga caalamiga ah ee Somailand waxa uu kaalin wayn ka qaadanayaa xoojinta amniga iyo xasiloonidda Gobolka iyo Badda Cas, sidoo kale waxa uu door weyn iyo saamayn togan ku yelanayaa dhismaha xidhiidh istiraatiijiyadeed oo ka dhan ah khataraha xag-jirnimada iyo faragelinta caalamiga ah ee xun. Tallaabadani waxay noqon kartaa qayb ka mid ah istiraatiijiyad cusub oo lagu xoojinayo saamaynta dalalka Reer Galbeedka ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, taas oo qayb ka noqon karta dadaallada caalamiga ah ee ka dhanka ah khataraha amni ee marin-biyoodka muhiimka ah, xag-jirnimada iyo faragelinta gobolka.”
Waxa kale oo ay warbixintu intaasi ku dartay “Somaliland, oo ku taalla Gacanka Cadmeed, waxay muddo dheer u dagaallamaysay aqoonsiga madax-bannaanideeda, laakiin hadda waxay heshay aqoonsi caalami ah. 26-kii Diseembar 2025, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday aqoonsigeeda rasmiga ah ee Somaliland. Go’aankan Israa’iil waa mid istaraatiiji ah oo beddeli karadheelitirka juqraafiyeed ee Badda Cas iyo Geeska Afrika, iyo sidoo kale isu socodka maraakiibta ganacsiga adduunka.”
Hudson Institute waxa kale oo ay warbixinteeda ku iftiimisay in aqoonsiga Somaliland yahay xaqiiqooyin ku dhisan taariikh cad, sharciyad saldhig adag leh iyo mid juqraafiyeed waxaana lagu yidhi “Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa si weyn loo cambaareeyay, laakiin waxa muhiimka ah ee ka dambeeya go’aankan, ayaa ah in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay mid leh saldhig adag oo taariikheed iyo sharci. Israa’iil waxay ku saleysay go’aankeeda xaqiiqooyinka juqraafiyeed iyo istiraatiijiyadeed.”
Warbixinta waxay sidoo kale xustay in Somaliland aanay ahayn dal gooni-goosad ah, sida dadka qaar sheegaan, balse ay leedahay taariikh gaar ah oo ka horreysay dawladnimda Soomaaliya. Waxaana lagu yidhi “Somaliland waxay leedahay taariikh gooni ah, oo ka horreysay dawladnimda Soomaaliya. Somaliland waxay ahayd maxmiyad Ingiriis ah (British Somaliland), halka Soomaaliyada Muqdisho ay ahayd gumaysi Talyaani ah (Italian Somalia), mana jiro aasaas hay’adeed oo rasmi ah ama dastuuri ah oo ay wadaagaan labadan dal. Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska 1960, Somaliland waxay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991 kadib markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.”
Sidoo kale warbixintu waxay isbarbar dhigtay nidaamka dawladnimada Somaliland oo ay ku tilmaantay mid dimuquraadi ah oo xasiloon, iyo fashilka dawladnimada Soomaaliya, oo ay ku sifaysay dal wajahaya xasilooni darro joogto ah, waxaana lagu yidhi warbixinta “Somaliland iyada oo aan helin gargaar caalami ah, waxay dib u dhistay nidaam dawladnimo oo si dhab ah u shaqeeya, Somaliland waxay leedahay doorashooyin dimuquraadi ah oo joogto ah, kuwaas oo awoodda dalka la isugu wareejiyo si nabad ah, lacag u gaar ah, ciidamo amni, iyo qalab dawladeed oo shaqeynaya. Somaliland waxay u muuqataa inay tahay dawlad guulaysatay.”
Warbixinta oo ka hadlaysay fashilka dawladnimada Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay waxaana lagu yidhi “Soomaaliya waxaa ka jirta dawlad la’aan iyo xasilooni darro dhaba-dheeraatay. Dawladda Muqdisho oo haysata aqoonsi caalami ah waxay wajahday burbur joogto, waxay la kulantay xasillooni darro daba-dheeraatay, dagaal sokeeye, musuqmaasuq baahsan, budhcad badeednimo, xasilooni darro siyaasadeed iyo joogitaanka kooxaha argagixisada ah sida al-Shabaab. waxay wajahday burbur joogto, waxay la kulantay xasillooni darro joogto ah, dagaal sokeeye, iyada oo haysata taageero ballaadhan oo caalami ah, oo isugu jirta mid hay’adeed iyo mid dhaqaale oo ka timid Qaramada Midoobay, waddamada beesha caalamka iyo hay’ado kale.”
Waxa kale oo ay warbixintu iftiimisay in xidhiidhka dawladaha Somaliland iyo Israa’iil uu yahay mid xoogan oo leh taariikh dheer oo facwayn, waxaana lagu yidhi “Xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland wuxuu dib ugu laabanayaa ka hor burburkii Soomaaliya 1991. Israa’iil waxay si weyn uga digtay tacaddiyada nidaamkii Siyaad Barre ee ka dhanka ahaa dadka Somaliland, tacadiyadaas oo ay inta badan iska indho-tirisay beesha caalamku. Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Israa’iil iyo ururada aan dawliga ahayn ee Israa’iil waxay Somaliland siiyeen gargaar caafimaad iyo dadaallo diblomaasiyadeed iyo bani’aadamnimo.”




















