“Waxaanu Doonaynaa inaanu Dhisno Nidaam Maaliyadeed oo Sal Adag oo la Jaan-qaadaya Adduunka”

0
150

 

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye Ku Xigeenka Baanka Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa sheegay in Baanka Dhexe ee Somaliland uu dhisayo nidaam maaliyadeed oo sal adag, casri ah, iyo dhaqaale xoogan, kuwaas oo la jaan qaadaya isbeddelada maaliyadeed ee adduunka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Baanka Dhexe uu diirradda saarayo xoojinta awoodda xawaaladaha iyo fududeynta habka lacagaha la isug diro, taas oo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah horumarka nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa xusay in Baanka Dhexe ee Somaliland uu mudnaanta koowaad siinayo hirgelinta nidaamka macluumaadka daymaha iyo damaanadaha si ay ganacsiyada, gaar ahaan kuwa yaryar iyo kuwa dhexe, ay si fudud ugu helaan daymo. Taas oo ah tallaabo muhiim ah oo sare u qaadaysa maalgelinta iyo shaqo-abuurka, isla markaana si ballaadhan u taageereysa horumarinta dhaqaalaha guud ee dalka.

Sidoo kale, Guddoomiye Xamse ayaa sheegay in Baanka Dhexe ee Somaliland uu si joogto ah u wado casriyeynta nidaamka lacag-bixinta, iyadoo Somaliland ay tahay hormuudka isticmaalka lacagaha mobilka, iyadoo 95% dadka reer Somaliland ay adeegsadaan nidaamka lacag-bixinta Mobile-ka. Waxa uu tilmaamay in qorshuhu yahay in shirkadaha iyo bangiyadu ay isku xidhmaan si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee dalka, iyadoo la tixgelinayo horumarka farsamada iyo casriyeynta adeegyada maaliyadeed.

Intaa waxaa dheer, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in Baanku xoojinayo maamulka iyo kormeerka suuqyada sarifka si loo xoojiyo kalsoonida lacagta, loona xakameeyo sicir-bararka. Sidoo kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Baanka Dhexe uu si weyn ugu dadaalayo hubinta daahfurnaan iyo hufnaanta nidaamka suuqyada, si loo abuuro nidaam maaliyadeed oo cadaalad ah, isla markaana ku habboon baahida iyo duruufaha bulshada.

Sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, waxaa la qorsheynayaa in nidaamyadan casriga ah ay gacan ka geystaan kor u qaadista dhaqaalaha Somaliland, iyada oo la tixgelinayo muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin dalka, iyadoo la dhiirrigelinayo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, taasoo wax weyn ka tari doonta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.

Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Guddoomiye kuxigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad lagu ansixinayay cilmi-baadhis ku saabsan xoojinta nidaamka xawaaladaha iyo adkaysiga qoysaska. Cilmi-baadhistan oo ay samaysan Research Care Africa, isla markaasna ay maalgalisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka, taas oo si hufan loogu soo bandhigay nidaamka xawaaladaha Somaliland, sida uu u shaqeeyo, caqabadaha uu wajaho iyo sida kor loogu qaadi karo.

Guddoomiye kuxigeenka Baanka Dhexe oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu mudnaanta siineynaa oo aanu gacanta ku haynaa hadda, nidaam macluumaadka daymaha ah iyo damaanadaha ah, si ay dadku u helaan daymaha oo ay u fududaato, waxa aanu sidaasi ka baraneyna dalalka jaarka, oo markii ay arrintaas fuliyeen ay keentay korodh muuqda oo ay ganacsiyada dhexe iyo kuwa yar yari ba au heleen daymo, iyada oo daymahaasi ay si weyn u kordhiyeen xagga maalgelinta iyo shaqo-abuurka labada ba. Arrintaasina waa mid ay Somaliland ku khasban tahay inay sameyso.”

Mudane Xamse waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxa kale oo aanu gacanta ku haynaa, casriyeynta nidaamka lacag bixinta Somaliland, maadaama oo ay Somalialnd dunida oo dhan kaga horeyso xagga isticmaalka lacagaha telefoonka, taas oo 95% ay dadkeenu isticmaalaan, waa arrin aynu kaga horrayno adduunka oo dhan xataa kuwa nidaamkooda maaliyadeed innaga weyn yahay. Markaa, sidii daraasadu ku talisay waa in shirkadaheena iyo bangiyadeemi ay isku xidhmaan, haddii Alle yidhaahdo sannadkana way inoo suurageli doonaa.

Waxa kale oo mudnaan noo leh oo aanu gacanta ku haynaa, maamulka suuqyada sarifka oo dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay waxa soo degaya ee dibedda laga soo iibsanayo, kalsoonida sarifkuna waxa ay sitoosa ula xidhiidha sicir bararka iyo kalsoonida bulshadu ku qabi karto nidaamkeena dhaqaale, waxa aanu xoojineyna nidaamka aanu kula socono sarifka suuqyada dalka, waxa aanu sijoogta ah u sameynaa kormeerka suuqyada si daahfurnaanta iyo hawgaladu u fiicnaadaan”