Maxaa Sababa Guuldarooyink?!

0
155

Aadamigu wuxu kaga duwan yahay xayawaanka kale caqliga oo marka si wanaagsan looga faa’iidaysto gaadha go’aamo muhiim oo duruufaha taagan lagag gudbo. Marka uu go’aan gaadhayo caqli shaqaynayaa wuxu adeegsada macluumaad iyo warbixino muhiim ah oo uu helay. Xaaladaha taagan iyo kuwa laga soo gudbay, iyo saamaynta mustaqbalka. Arrimaha haddii aan si caqli gal ah oo hufan aan looga fikirin loona miisaamiin, waxa halkiisa gala caadifadda oo ku dhisan laab-lakac, xaasidnimo, been, cunsuriyad, islaweyni iyo mala awaal aan xaqiiqo ku dhisnayn.

Waxaana caadifadda oo aanu caqligu xakamayni keenta guuldaro uu mar danbe qofka adeegsaday garto khaladkiisa. Caadifaddu waxay ka dhalataa jawi la galay oo si aan ka fiirsi lahayn aad uga jawaabto, caqliguse xaalad kasta wuu miisaamaaya oo qiimeeya ka dibna ka jawaaba. Go’aanada caadifaddu waa asbaabta keenta guuldarada iyo fashilka.