Qore:Cadnaan bile jamac
Abaarta soo noqnoqanaysa waxay dalbanaysaa horumarinta kalluumeysiga Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay la kulantaa caqabado badan, laakiin waxa kale oo ay leedahay
kheyraad ballaadhan oo aan daboolka laga qaadin haba yaraate biyaha ku xeeran Somaliland.
Sannadihii ugu dambeeyay, Somaliland waxay la kulantay ciriiri xaga roobka ah oo ay sababtay
isbedelka cimilada aduunka. Tani waxay keentay abaaro ba’an iyo khasaaro weyn oo ku yimid
xoolaha – kuwaas oo ah laf dhabarka dhaqaalaha iyo hab-nololeedka gobolka. Natiijada ay
abaartaasi keentayna waa cunto yari, macaluul iyo sidoo kale khasaare dhaqaale qoys iyo qaranba. Illa cunteedyo kala duwan iyo xaqiijinta horumar dhaqaale iyada oo la adeegsanayo
khayraadka aan laga faa’iidaysan ayaa ah qarshe muhiim ah lagaga samato bixi karo xaaladan.
Sidaa daraadeed, isticmaalka khayraadka kalluunka ee ku duugan biyaha ku hareeraysan
Somaliland waxay fure aad u muhiim u tahay la dagaalanka dhibaatooyinka hadda lagu jiro iyo
abuurista mustaqbal wanaagsan oo ay Somaliland yeelato. Hay’ada FairFishing waxay ka
qayqaadataa koboca Kalluumaysiga Mid ka mid ah dadaalada lagu abuurayo dakhliga iyo
fursadaha shaqo ee loo marayo isticmaalka khayraadka badda ayaa waxaa bilawday hay’adda
aan dawliga iyo faa’idoonka midna ahayn ee FairFishing. Guddiga hay’adani wuxuu ka kooban
yahay mutadawaciin Danish iyo Somaali ah oo ka shaqeeya dalka Denmark. Dhammaan
shaqooyinka ay guddiga fulintu sameeyeen waa ikhtiyaari aanay waxba ku qaadan,
abaalmarintooduna waxa weeye dareenka guusha ee ku salaysan in ay caawimo muuqata oo
noloshooda wax ka badalaysa gaadhsiinayaan bulshada kalluumeysiga ee Somaliland. Fikrada
FairFishing oo bilowday sannadkii 2011 midhihii u horeeyey dhalay sannadkii 2013 markii
Xarunta Ganacsiga Fairfishing laga furay Magaalo Berbera. Tan iyo markii la furay xarunta iyo
dukaanka yar ee iibiya qalabka kalluumeysiga FairFishing waxay kalluumeysiga maxalliga ka
kaabayeen iibsiga baraf tayo sare leh oo jaban, kaydinta (qaboojinta)kalluunka oo aan hore loo
hayn, farsamaynta kalluunka oo casri ah iyo iibsiga qalabka kalluumeysiga oo casri ah, iyada
kalluumaysataduna ay iskaashi dhaw la leeyihiin FairFishing. Sidas awgeed, FairFishing waxay
gacan ka geysaneysaa kobcinta kalluumeysiga iyada oo ka taageeraysa kalluumeysatada iyo
dowlada Somalilandba kaabayaasha dhaqaalaha iyo iyadoo yareeynaysa kharashaadka wax soo
saarkoodaa iyo xumaadka kalluunka marka la soo qabto ila inta la suuqgaynaayo. Si kale haddii
loo dhigo,iskaashigu wuxu kordhin karaa tayada iyo tirada kalluunka la dabto taas oo una
faa’iido badan dhamman cidkasta oo ku hawlan Kalluumaysiga. Afartii sano ee la soo dhaafey
waxay soo kordhiyeen horumarin cajiib ah oo xaga kalluumeysiga. Dabashadu aad bay u
sarreysa, dad aad u badanina si toos ah ayey uga shaqo galeen kalluumeysiga iyo qaybaha la
xiriira. Doonyo cusub, shaqooyin cusub iyo 900ton oo kalluun ah sannadka 2017 Sanadkii 2017,
wadar dhan 900tan oo kalluun ah ayaa laga diiwaangeliyey Xarunta FairFishing ee Berbera.
900tan ee kalluunka ah waxa lagu iibsaday laguna quutay suuqyada maxaliga ah ee dalka sida
Hargeisa, Berbera, Burco, Borama iwm. Kalluunkaasi Suuqyada maxaliga ah ee dalka waxa uu
ka abuuray dhaqdhaqaaq dhaqaale oo gaadhaya ilaa 4.000.000 USD kaas oo ah faa’iido gaadhay
dhammaan cidkasta oo ka shaqaynaysa ama ku hawlan silsiladda qiimaha kalluunka. Hadaad
Berbera eegto korodhka doonyaha cusubi waxay gaadhayaan inadii 2017 qiyaastii ilaa 20
doonyood iyo weliba qiyaastii. 80 kaluumeyste cusub oo firfircoon. Mararka qaar waxaa la
sheegaa in hal shaqo oo badda laga abuuraa uu keenayo ila afar shaqooyin oo beriga ah. Haddii
aan halbeegaa ku qiyaasno magaalada Berbera, markaa 400 oo shaqooyin ah baa laga abuuray
silsiladda qiimaha kalluunka sanadkii 2017. Ballaarinta fikradda FairFishing iyada oo loo
marayo deeqda EU Sannadihii ugu horreeyay FairFishing waxay ku tiirsanayeen kaliya deeq-
qalabeed, deeq-lacageedka gaarka ah iyo inta badan shaqada mutadawacnimo. Laakiin waaxda
kalluumeysiga ayaa billaabay inuu kordho maalinba maalinta ka dambaysa. Sanadkii 2016,
Midowga Yurub wuxuu aqoonsaday fikradda FairFishing, wuxuuna go’aansaday inuu
maalgaliyo mashruuca oo uu barnaamij ka dhigo kuna fidiyo dhowr goobood oo ku yaalla
Geeska Afrika. Sidaa awgeed, xoghayn yar ayaa maamusha hawlaha guud ee Kobanheegan,
iyadoo dhawr ka mid ah shaqaalaha maxaliga ah ee Berbera ay maamulaan hawl maalmeedka
iyo hirgelinta mashruuca. Xarunta FairFishing ee Berbera waa Xarunta ugu saraysa ee
Barnaamijka Midowga Yurub, iyo beelaha kale ee ku yaala Somaliland waxay hadda ka
faa’iideysanayaan khibradaha ay sameeyeen bulshada kalluumeysiga ee Berbera. Iyadoo la
raacayo ujeedada guud ee FairFishing, ujeeddada barnaamijka ay maalgelinayso EU-du waa in la
siiyo fursado cunto nafaqo leh, ganacsi, dakhliga iyo fursado shaqo dadka degaanka ee maxalliga
ah, iyo sidoo kale in la abuuro horumar dhaqaale iyada oo loo marayo dhaqaalaha.






















