Xukuumadda oo Muujisay Sida ay uga Go’antahay Qorshaynta iyo Horumarinta Magaalooyinka

0
13

 

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Somaliland, Mudane Cali Maxamuud Cige, ayaa sheegay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ka go’an tahay horumarinta marinada iyo qorshaynta magaalooyinka, si loo xoojiyo isku-xidhka magaalooyinka iyo koboca dhaqaale ee gobolka Bariga Afrika.

Cali Maxamuud Cige ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay madasha Shirka Saddexaad ee East Africa City Corridor (EACC) Dialogue, isagoo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay qorshaynta magaalooyinka iyo horumarinta marinada isku xidha magaalooyinka iyo xarumaha ganacsiga, isaga oo tilmaamay in qorsheyn wanaagsan ay saldhig u tahay horumar waara iyo maalgashi wax-ku-ool ah.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an horumarinta marinada iyo qorshaynta magaalooyinka.” ayuu Cali Maxamuud Cige. Agaasimaya ayaa xusay in horumarinta marinada iyo magaalooyinka ay muhiim u tahay fududaynta isu-socodka, kobcinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga iyo abuurista fursado dhaqaale oo ay bulshada, gaar ahaan dhallinyaradu, ka faa’iidaystaan.

Hadalka Agaasimaha ayaa ku soo beegmaya xilli Hargeysa lagu qabtay Shirka Saddexaad ee East Africa City Corridors Dialogue (EACC), kaas oo diiradda lagu saaray isku-xidhka magaalooyinka Bariga Afrika, qorshaynta koboca magaalooyinka iyo sidii marinada dhaqaale loogu beddeli lahaa fursado horumarineed oo waara.