Qaliin naadir ah: Dhagaxii ugu weynaa ee bukaan laga soo saaro oo dhan 3.1kg

0
14

Dhakhaatiirta Sri Lanka ayaa qaliin ay sameeyeen nin kaga soo saaray dhagax kaadi haysta kaga jiray oo culeyskiisu yahay 3.1kg (6.8lb) – kaas oo ay aaminsan yihiin inuu yahay kii ugu weynaa noociisa ee la diiwaan galiyo. Qalliinka waxaa la sameeyay toddobaadkii hore isbitaal ku yaal Trincomalee, oo ku taal bariga dalka. Bukaanka 55 jirka ah ayaa la dhigay isbitaal ka dib markii uu ku dhacay istaroog. Laakiin intii lagu jiray daawaynta, dhakhaatiirtu waxay ka heleen dhagaxyo kaadi haysta ka dib markii ay ogaadeen inuu la kulmayo dhibaato kaadida.
Qalliinka, dhakhaatiirtu waxay ka saareen dhagaxa kaadi haysta – miisaankiisu wuxuu la mid ahaa ilmo dhashay muddo dhan wuxuuna ahaa qiyaastii ukuxan ama Ukun gorayo.
“Sida laga soo xigtay diiwaanka la hayo, waa dhagaxa kaadi-haysta ee ugu weyn abid ee la diiwaan galiyo oo qalliin lagu soo saaro,” Dr Prahalahan Balakrishnan, oo hoggaaminayay qalliinka, ayaa u sheegay BBC Sinhala. Wuxuu intaas ku daray in bukaanku uu “caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay”.
Bukaanku wuxuu ku sii jiraa isbitaalka wuxuuna sii wadaa inuu helo daaweyn loogu talagalay xaalado caafimaad oo kale, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen. Dr Balakrishnan ayaa intaa ku daray in dhagaxu uu ku jiri lahaa kaadi haysta bukaanka muddo shan ilaa toban sano ah.
Dhagaxyada kaadiheysta ayaa sameysma marka macdanta ku jirta kaadida ay kiristaal noqoto, iyaga oo isu beddela burooyin adag. Badanaa waxay dhacaan marka kaadi-haystu aan si buuxda loo faaruqin, taas oo ka tagaysa kaadi xooggan oo isu beddeli karta kiristaalo ama dhagaxaan yar yar. Dhagaxyada kaadiheysta yaryar, oo cabbirkoodu yahay sida xabagta ciidda, ayaa iskood isu gudbin kara. Laakiin dhagaxyada ka weyn 1cm badanaa waxay xidhaan socodka kaadida waxayna u baahan yihiin faragelin caafimaad. Dhagaxa kaadiheysta oo ka weyn 4cm waxaa loo arkaa mid weyn.
Sida laga soo xigtay Guinness World Records, dhagaxa ugu weyn ee kaadi haysta ayaa laga soo saaray bukaan ku sugan Brazil sanadkii 2003. Miisaankiisu wuxuu ahaa 1.9kg (4.2lb) dhererkiisuna wuxuu ahaa 17.9cm (7in). Dhagaxa kaadi haysta ee laga soo saaray Sri Lanka toddobaadkii hore ayaa lagu qiyaasay dhererkiisu inuu yahay 17cm.