Faallo: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan) Guud ahaan caalamka aynu ku nool nahay dawladaha caaalamku waxay leeyihiin dano dawladeed oo dal kastaaba dalka uu saaxiib la noqonayo ama ee ay dano wadaagayaan waxaa uu ku jaan gooya xidhiidhka iskaashi ee dhex maraya iyo wax is dhaafsiga labada waddan faa iidooyinka dhaqan dhaqaale ee labada dal isku soo kordhinayaan marka ay xidhiidh wada yeeshaan. Mana jiro adduunka dal waddan kale xidhiidh aan isaga dani ugu jirin la yeesha. Waxaa kale oo dawladaha dunidu aanay xidhiidhka dalkoodu dawlad kale la yeelanayo aanay suuragal ahayn in ay wadan kale oon pabada dawladood ee dan-wadaagta noqonayaa in ay wax ka waydiiyaan mid aan labada dhinac midnaba ahayn xidhiidhkana aan qayb ka ahayn.
Waxaa sidaas oo kale Somaliland ay leedahay dano dhaqan dhaqaale oo ay dawladaha dunida la wadaagto oo ay kula yeelato xidhiidh siyaasadeed mid dhaqaale mid ammaan iyo mid kasta oo dan u ah qaranka Somaliland. Somaliland was dal u taagan nabad horumar iyo dunida oo ku naaloota nabad iyo xidhiidh wax laga dheefo oo dhanka wanaaga loo qaado.
Somaliland oo dalka ugu da,da wayn dawlada Soomaalida oo jirtay soomaaliya ka hor iyo jabuuti ka hor ba marnaba kuma suntamin hurin colaadeed mid mandaqada ah iyo .mid caalamiya toona. Dawladda Somaliland oo dalalka. Deriskeeda tan iyo lasoo noqoshadii madaxbanaanideeda nabad deris wanaag iyo walaalnimo kula noolayd,waxay caalamka oo deriskeedu ugu horreeyo markasta usoo bandhigaysay xaqa ay u leedshay jiritaanka qarannimadeeda iyo aqoonsiga ay dunida ka mmudsn tahay.
Madaxweynhana dalka Jabuuti ku amar ku taagleeya ee Ismaaciil Cumar Geelle,ayaan marnaba aan qarsan dagaalka ak dhanka ah Somaliland tan iyo markii uu kursiga ugu sarreeya dalkaas ku fadhiistay 1999 kii,waxaanu geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay sidii uu Somaliland u bur burin lahaa,waxaanu dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee uu Geella Jabuuti ku foogan yahay ka dhigtay mid aanu qarsan oo uu fagaare kasta oo uu ka hadlo uu ka sheego in Somaliland aanay dal ahayn ee ay ka mid taahy Soomaaliya sida uu sheego.
Geellaha Jabuuti oo dooraad Weerar afka ah ku qaaday dalka Somaliland iyo waddamo kale oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil oo u uku eedeeyay in ay iska kaashadeen aqoonsiga Somaliland Dwwladda Israa’iil ku aqoonsatay.
Haddaba waxaanu ogayn in Somalilamd aanay ahayn dukaan nin leeyahay sida uu ka dhigtay dalka Jabuuti oo u uku amar ku taaglaynayay tan iyo 1999-kii halka mudadaas Somalilan ay iska bedeleen oo hoggaanka Somaliland ay soo mareen Shan madaxweyne. Ugu dambayn Somaliland marnaba maaha dal colaad u taagan ama sida Geellaha Jabuuti cid nacayb u qabta balse danta qaranka Somaliland meel kasta oo ay gasho Somaliland si nabdoon ayay u tegaysaa waanay u madaxbanaan tahay in ay Israa’iil iyo guud ahaan dalalka Caalamka oo dhan ay xidhiidh siyaasadeed iyo mid dhaqan dhaqaaleba ay la yeelato bale Somaliland maaha Xabsi tigeetar dadkiisa ku cabudhiyo.






















