“Aqoonsiga Somaliland Waa Go’aan Dib- U-habaynaya Miisaanka Awooda iyo Qaab-dhismeedka Geeska Afrika

0
154

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan) Hay’adda cilmi-baadhista ee Bloomsbury Intelligence and Security Institute (BISI), oo diiradda saarta arrimaha amniga, sirdoonka iyo siyaasadda juqraafiyeed, ayaa sheegtay in aqoonsiga rasmiga ah ee ay dawladda Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland 26-kii Diseembar 2025 uu astaan u yahay isbeddel istaraatiiji ah oo ku yimid miisaanka juqraafi-siyaasadeed ee Geeska Afrika. Hay’addu waxay xustay in tallaabadaasi ay gobolka ku soo kordhisay jilaa cusub oo firfircoon, isla markaana ay muujisay muhiimadda sii kordhaysa ee Somaliland ku leedahay mandaqadda.

Bloomsbury ayaa sidoo kale xustay in dawladda Israa’iil, oo 26-kii Diseembar 2025, noqotay waddankii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay go’aankeeda ku sababeysay mid ka tarjumaya tixgelin dhab ah oo ku saleysan xaqiiqooyinka taariikhiga ah ee saldhigga u ah qadiyadda Somaliland, iyo sharciyadda adag ee madaxbannaanida Somaliland ku dhisan tahay, iyo sidoo kale mudnaanta istaraatiijiyadeed ee muddada dheer soo jirtay.

Warbixinta Hay’ad cilmi-baadhista BISI waxay sidoo kale caddeysay in aqoonsiga Israa’iil ee Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay tallaabo diblumaasiyadeed oo leh muhiimad ballaadhan oo wax ka bedelaysa muuqaalka gobolka, isla markaana xambaarsan cawaaqib istaraatiijiyadeed, siyaasadeed iyo dhaqaale, kuwaas oo saamayn ballaadhan ku yeelan kara dib-u-qaabaynta isu-dheellitirka miisaanka awoodda Geeska Afrika iyo Badda Cas, gaar ajaam dhinacyadaa amniga, dhaqaalaha ama juqraafiyadda.

Sidoo kale warbixintu waxay tilmaantay in aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland uu abuurayo fursado wax ku ool ah iyo waddo macquul ah oo lagu xoojin karo iskaashiga amniga ee gobolka, gaar ahaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Marinka Bab al-Mandab, taas oo sii kordhinaysa saamaynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Somaliland maadaama oo ay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Marinka Bab al-Mandab, kuwaas oo ah marin-biyoodo istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, isla markaana qiyaastii 12–15% ay maraan shixnadaha ganacsi ee adduunka.

Warbixintu waxay si gaar ah u xustay doorka Dekedda Berbera, iyadoo lagu tilmaamay xarun ganacsi oo sii kobcaysa iyo goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah saadka iyo isku-xidhka ganacsiga gobolka iyo caalamka intiisa kale. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in kobaca dekedda ay si weyn u taageerayaan maalgashiga dawladda Imaaraadka Carabta iyo isku-xidhnaanta kaabeyaasha gaadiidka iyo marinnada ganacsiga ee gobolka.

“Dekedda Berbera waxay noqotay xarun ganacsi oo sii kobcaysa iyo goob istaraatiiji ah oo muhiimad ballaadhan u leh saadka adduunka. Aqoonsiga Israa’iil wuxuu kordhin karaa kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga” ayaa lagu yidhi warbixinta Bloomsbury Intelligence and Security Institute (BISI). Waxaanay intaasi raacisay “Sidoo kale, qaab-dhismeedka amniga Badda Cas ee dib loo habeeyay iyo ka-qaybgalka Somaliland iyo joogitaankeeda fagaarayaasha caalamiga ah ee sii kordhaya ayaa la filayaa inay ballaadhiyaan maalgashiga tooska ah ee shisheeye, taas oo xoojin karta isku-xidhnaanta ganacsiga heer gobol iyo heer caalami.”