Xukuumadda oo Dardar-gelisay Hir-Gelinta Mashaariicda Horumarka ee Gobolka Daad-madheedh

0
18

Qore Sacad Xarbi

Oodweyne (Dawan) Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daadmadheedh, iyadoo ujeeddada socdaalku yahay dardar-gelinta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee ay Xukuumaddu hore ugu ballanqaadday bulshada gobolka.

Waftiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Gaashaandhigga, Waxbarashada, Gaadiidka, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha iyo xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne. Waxaana qaabilay maamulka gobolka iyo degmada, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in socdaalkoodu ku salaysan yahay sidii loo dardargelin lahaa fulinta ballanqaadyadii Xukuumadda Somaliland ee wadajir iyo waxqabad iyo mashaariicdii horumarineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), hore uga dhagax-dhigay Oodweyne.

Wasiirku waxa uu sheegay in weftiga xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayaa ay kormeerayaan goobaha laga fulinayo mashaariicda, kuwaas oo ay ka mid yihiin goroonka kubadda cagta, ballaadhinta Cisbitaalka Oodweyne iyo dhismaha Jeelka, kuwaas oo hore loo bilaabay.

Waxa kale oo socda mashaariic cusub oo ay ka mid yihiin dhismaha xarunta cusub ee Gobolka Daadmadheedh, ballaadhinta xarunta Wasaaradda Gaadiidka ee Oodweyne iyo dhagax dhiga dhismaha xaradda ciidamada ee gobolka Daadmadheedh. . Wasiirku waxa uu caddeeyey in mashaariicdaasi aanay ahayn oo keliya kuwo la dhagax-dhigayo, balse la galay marxaladda fulinta iyo hirgelinta.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay Oodweyne ka bilaabayso dhismaha xerada ciidamada ee Gobolka Daadmadheedh, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo adeegyada iyo kaabeyaasha ciidamada ee gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, oo la hadlayay bulshada ku dhaqan magaalada Oodweyna waxa uu yidhi “Maanta waxaynu maraynaa goobihii mashaariicda horumarineed laga fulinayay, goobo waa goobihii Madaxweynaha Somaliland hore u dhagax-dhigay oo ay ka mid yihin goroonkii kubadda cagta, ballaadhintii Cisbitaalka Oodweyne, Dhismaha Jeelkii oo isaguna socda, goobana waa goobo cusub oo ay ka mid yihiin xarunta Gobolka oo meel cusub loo dhisi doono iyo xaruntii wasaaradda Gaadiidka oo iyana qaybo lagu kordhin doono. Markaa mashaariicdaa hore ee madaxweynuhu dhagax-dhigay iyo kuwa cusub-ba maanta la dhagax-dhigi maayee waa la bilaabayaa. Haddii aannan dhisin waddada Oodweyne, macno samayn mayno, taariikhdana geli mayno.”

Socdaalkan ayaa muujinaya dadaalka Xukuumadda Somaliland ee ku aaddan in la dardar-geliyo mashaariicda horumarineed ee gobollada dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo adeegyada bulshada, caafimaadka, ciyaaraha, gaadiidka iyo kaabeyaasha hay’adaha dawladda.