Horumarrinta Suuqyadda iyo Kaabayaasha Xoollaha ee G. Awdal oo la Xoojiyay

0
12

 

Qore Khadar M. Xaashi

Boorama (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Md. Cumar Shuceyb Maxamed, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Gobolka Awdal, Degmooyinka iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa kormeer iyo dhagax-dhigyo muhiim ah ka sameeyey Baki iyo Boorama, kuwaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta adeegyada bulshada, wax-soo-saarka iyo kaabayaasha xoolaha.

Degmada Baki, Wasiirku waxa uu dhagax-dhigay dhismaha Suuqa Hilibka iyo Khudaarta, oo loogu talagalay in lagu horumariyo nadaafadda, badqabka cuntada iyo ganacsiga. Suuqan ayaa sidoo kale fursado dhaqaale u abuuri doona xoolo-dhaqatada, beeralayda iyo ganacsatada, isagoo gacan ka geysanaya kobcinta wax-soo-saarka gudaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale kormeeray goobaha wax-soo-saarka calafka xoolaha ee Baki, halkaas oo uu ku qiimaynayey wax-soo-saarka iyo kaalinta uu calafku ka qaadan karo taageerada xoolo-dhaqatada, horumarinta calafka ayaa muhiim u ah helitaanka quudin joogto ah iyo xoojinta wax-soo-saarka xoolaha.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu kormeeray Kawaanka Weyn ee Borama, isaga oo qiimayn ku sameeyey xaaladdiisa, adeegyada uu bixiyo iyo baahiyaha ka jira, Kawaanku waxa uu muhiim u yahay nadaafadda, caafimaadka bulshada iyo hubinta badqabka hilibka.

Kormeerka kadib, Wasiirka, Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Duqa Boorama iyo masuuliyiin ka socday bah-wadaagta horumarinta ayaa dhagax-dhigay dhismayaal cusub oo laga hirgelinayo gudaha Kawaanka, kuwaas oo wax ka qabanaya baahiyaha adeeg iyo shaqo ee goobta.

Dhanka kale, Wasiirka iyo masuuliyiinta la socotay ayaa kormeeray Sayladda Xoolaha Boorama, oo ah xarun muhiim u ah ganacsiga xoolaha ee Gobolka Awdal, laguna kala iibsado xoolo ka yimaadda deegaanada gobolka iyo kuwa ka soo gudba xuduudda Itoobiya. Kormeerka ayaa lagu qiimaynayey xaaladda sayladda iyo baahida loo qabo kaabayaal casri ah oo fududeeya hawlaha xoolo-dhaqatada, ganacsatada iyo dhammaan dadka ku hawlan silsiladda ganacsiga xoolaha.

Intaas kadib, masuuliyiintu waxay dhagax-dhigeen dhismayaal cusub oo laga hirgelinayo Sayladda, kuwaas oo loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha adeeg iyo shaqo ee xarunta. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo suuqyada xoolaha, kawaannada, wax-soo-saarka calafka iyo kaabayaasha ganacsiga, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha bulshada Gobolka Awdal.

Horumarinta goobahan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo nadaafadda iyo badqabka cuntada, fududayso ganacsiga xoolaha, xoojiso wax-soo-saarka gudaha, isla markaana abuurto fursado dhaqaale oo si toos ah uga faa’iidaysta xoolo-dhaqatada, beeralayda iyo ganacsatada