Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in Somaliland hehiis la gashay shirkad calami ah oo laga leeyahya dalka Canada oo samaysay hab online ah oo fududaynaya cidda doonaysa inay maalgashato dalka ay si fudud ula soo xidhiidhi karto ama usoo dalban karto heshiis maalgashi macnadeed, meel kasta iyo dal kasta oo ay joogaan.
Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Eng Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horraysay oo Xukuumadda Somaliland ay heshiis noocan oo kale ah la gasho shirkad caalami ah, taas oo hirgelisay hab iyo hannaan casri ah oo ku dhisan nidaam online ah, isla markaana maalgashadayaasha iyo macaamiisha danaynaya Somaliland u fududaynaya isku xidhka maalgashadeyaasha iyo dalka ay maalgashanayaan.
Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi. “Waxaannu heshiis la galnay shirkad laga leeyahay Canada oo samaysay nidaam fududeynaya in maalgashadayaasha Macdantu hab Online ah u soo dalban karaan ruqsadooda dalka ama meesha ay doonaan ba ha joogaane”.




















