Wargeysyada ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in Manchester United ay qorshaynayso inay u dhaqaaqdo saxeexa xiddiga reer France ee Eduardo Camavinga oo ka tirsan Real Madrid, iyadoo u aragta baddelka mustaqbalka ee xiddiga reer Brazil ee Casemiro.
Xiddiga reer Brazil (Casemiro) ayaa la filayaa inuu ka tago Manchester United dhammaadka xilli ciyaareedkan, ka dib marka uu dhammaado qandaraaska uu kula jiro kooxda Red Devils.
Sida ay sheegayaan wararku, maamulka Real Madrid ayaa diyaar u ah inay iibiyaan xiddigooda 23-jirka ah haddii ay helaan dalab aan ka yareyn 75 milyan oo Yuuro ama ka badan.
Warbixintu waxay tilmaantay in Manchester United ay Camavinga u aragto dookh ku habboon oo dib u soo noolayn kara khadka dhexe, sababo la xidhiidha awoodiisa jireed ee weyn iyo dabacsanaantiisa taktikada, taas oo ka dhigaysa mid awood u leh inuu ka ciyaaro wax ka badan hal boos oo khadka dhexe ah.
Xiddiga reer France ayaan weli soo bandhigin kartidiisa oo dhammaystiran tan iyo markii uu kaga soo biiray Real Madrid kooxda Rennes ee dalka France sannadkii 2021, maadaama uu la dhibtoonayay dhaawacyo caqabad ku noqday horumarkiisa, marka laga soo tago tartanka adag ee khadka dhexe ee ka dhex jira Madrid.




















