America Wey Sugi La’dahay Isaga” – Trump Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Weyn Kubadda Cagta Dunida

0
185

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliyay hadal hayn badan ka dib markii uu fariin muuqaal ah u diray Cristiano Ronaldo, isagoo ku ammaanay inuu yahay xiddigii ugu weynaa abid ee soo mara kubadda cagta.

Muuqaalkan ayaa la baahiyay ka dib markii Ronaldo uu bishii Nofembar booqday xafiiska Trump ee Oval Office, isagoo qayb ka ahaa wafdi ka socday dalka Sacuudi Carabiya.

Trump ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa TikTok ugu yeeray ciyaaryahanka Al-Nassr kan ugu fiican abid, wuxuuna ka codsaday inuu yimaado dalka Mareykanka.

“Cristiano Ronaldo, waxaad tahay kan ugu fiican abid, waxaan u baahannahay inaad timaado Ameerika,” ayuu yidhi Trump. “Hadda soo dhaqaaq, si degdeg ah ayaan kuugu baahannahay,” ayuu raaciyay Donald Trump.

Muuqaalka ka dib, waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal kale oo lagu farsameeyay caqliga macmalka ah (AI) kaas oo muujinayay Trump iyo Ronaldo oo ciyaar saaxiibtinimo ku dhex ciyaaraya xafiiska Madaxweynaha.

Trump ayaa dhowaanahan si weyn uga dhex muuqday wararka kubadda cagta, isagoo xagaagii hore goobjoog ka ahaa ciyaartii finalka ee koobka kooxaha adduunka (FIFA Club World Cup) oo ay ku tartamayeen Chelsea iyo Paris Saint-Germain (PSG). Sidoo kale, wuxuu abaalmarintii ugu horreysay ee “FIFA Peace Prize” ka guddoomay Madaxweyne Gianni Infantino ka hor isku-aadkii Koobka Adduunka ee sannadkii hore.

Trump ayaa laga yaabaa inuu fariintan ku dhiirigelinayo 41-jirka Ronaldo si uu dib ugu bilaabo tartankii kala dhaxeeyay ninka ay mudada dheer xafiiltamayeen ee Lionel Messi, kaas oo hadda ka ciyaara horyaalka MLS ee Mareykanka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaa jiray hadal-hayn ku saabsan suurtagalnimada arrintan, gaar ahaan markii uu ciyaaryahanka Al-Nassr diiday inuu ciyaaro isagoo ka mudaaharaadayay wax uu u arkay maamul-xumo ka jirta kooxdiisa oo ay mas’uul ka tahay Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sacuudiga (PIF).

Booqashadii Ronaldo ee Oval Office bishii Nofembar ee la soo dhaafay waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu caga dhigto Mareykanka tan iyo markii uu u ciyaarayay Real Madrid kulan ay dad gaadhaya 109,318 taageere daawadeen oo ay la ciyaareen Manchester United xilligii isku-diyaarinta xilli ciyaareedka ee sannadkii 2014-kii.