Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Waribixin caalami ah oo lagu daabacay shabakadda wararka ee France 24 ayaa ku tilmaantay Jamhuuriyadda Somaliland dal Muslim ah oo aad ugu adag diintiisa Islaamka, haddana laga jecel yahay Israel, iyada oo warbixintu iftiimisay isbeddelka layaabka leh ee ka dhacay Somaliland, kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, halkaas oo shacabku si weyn u soo dhaweeyeen go’aanka geesinimada leh ee dawladda Israa’iil.
Warbixintu waxay si qoto-dheer u muujisay dareenka shacabka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dadweyanaha reer Hargeysa, iyada oo si khaas ah u diirrada u saartay xilligan oo lagu jiro gudashada cibaadada Soonka ee bisha barakaysan ee Ramadaan, iyo sababta ay taageerada Israa’iil uga doorbideen dalalka kale ee Muslimka ah, iyaga oo diirrada saaraya xusuusta xasuuqyadii hore iyo loolanka diblomaasiyadeed ee ka dhashay aqoonsigan cusub ee ka dhex qarxay Geeska Afrika.
Warbixintu waxay soo xigatay muwaadin reer Hargeysa ah oo ay waraysi gaar ah la yeelatay, kaas oo ku sugnaa fagaaraha khayriyadda Hargeysa, isla markaana u sheegay “Waan Jecelahay Israa’iil”. France24 waxay hadalkan ku tilmaamtay saddex erey oo kooban, balse ay dhif iyo naadir tahay in laga maqlo dunida kale ee Islaamka, ama si weyn looga necbaysto, balse hadda noqday weedh caan ka ah Somaliland oo ah Jamhuuriyadda madax-bannaan oo Muslim ah.
“Israa’iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan qarammada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland bishii Diseembar arrintaas oo dhulkani raadinayay tan iyo markii uu ku dhawaaqay madax-bannaanidiisa oo uu kaga go’ay Soomaaliya sannadkii 1991. Iyadoo toddobaadkan ay bisha Ramadaan ka bilatay dhulkan oo ay ku nool yihiin dad Muslimiin ah oo aad u diin jecel, dhammaan muwaadiniintan, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumarba waxay ku faraxsanaayeen inay ammaan iyo bogaadin u jeediyaan Israa’iil.” ayaa lagu yidhi warbixinta.”
Warbixintu waxay intaasi ku dartay “Halka inta badan dunida Muslimku ay diiradda saarayaan eedaymaha la xidhiidha xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, dadka reer Somaliland waxay aad uga walaacsan yihiin xasuuqyadii ay Soomaaliya u geysatay intii uu socday dagaalkii madax-bannaanida ee 1980-meeyadii, kaas oo ay sheegeen in aanu jirin dal Muslim ah oo abid cambaareeyay falkaas iyaga lagu xasuuqay, balse dawladda Israa’iil ay Golaha ammaanka Qaramada Midoobay horgeysay bayaan ka dhan ah xasuuqaas loo geystay shacabka Somaliland 1998, isla markaana ay si rasmi ah u cambaaraysay falkaas foosha xumaa.
Fagaaraha badhtamaha caasimadda Hargeysa, diyaarad MiG ah oo hore u ahaan jirtay kuwii Soofiyeetka ayaa dul saaran taallo xasuus ah, waa mid ka mid ah diyaaradihii dagaalka ee ay adeegsan jireen ciidamadii madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya Siyaad Barre, intii uu socday ololihii duqeynta ee 1988-89, kaas oo burburiyay ilaa 70 boqolkiiba magaalada.”
“Waxaan sugaynay aqoonsi muddo 35 sano ah. Tani waa midhihii awoowyaashayadii u soo dagaalamay xoriyadda iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Axmed Abiib Ibraahim, oo ah arday 20 jir ah oo joogay fagaaraha khayriyadda Hargeysa oo u waramayay warbaahinta caalamiga ah ee France 24.
“Muslimiintu ma na caawinayaan? Waa Maya!’ Waa Ramadaantii ugu horreysay ee dunidu na aqoonsato,” ayay tidhi Muna Cali oo ah muwaadinad reer Somaliland ah oo 22-jir ah oo dhammaystirtay shaqadeedii maalinimo ee xafiis socdaal oo ku yaalla agagaarka taaladda xasuusta ah ee fagaaraha khayriyadda Caasimadda Somalialnd ee Hargeysa. “Aad ayaan u jecelahay Israa’iil,” ayay tidhi, iyadoo dhoola-cadaynaysa, isla markaana xidhan Cabaayad madow oo qarinaya dhammaan jidhkeeda min madax ilaa labada cagood.”
Warbixintu waxa kale oo soo bandhigtay waraysi lala yeelashay Cabdirashiid Aadan Jaamac oo ah muwaadin reer Somaliland ah, isla markaana ah darawal wada gaadhi booyad ah, isaga oo kaalin shidaal oo magaalada dibaddeeda ah ka buuxsanaya shidaal, waxaanu u sheegay AFP inuu hadda gurigiisa ka soo dul taagay calanka Israa’iil. “Waxaan ka fikiri doonaa Israa’iil inta lagu jiro Ramadaanta… Yuhuuddu waa saaxiibbaday. Ma Muslimiinta ayaa na caawinaya? Maya!” ayuu yidhi.
Waxa kale oo ay warbixintu tilmaanay in waxyar ka dib aqoonsigii Somaliland ee dhammaadkii Diseembar, ay baraha bulshada ee muwaadiniinta Somaliland ay qabsadeen sawirrada rag iyo dumar soo bandhigaya calanka Israa’iil, iyadoo qof ka mid ahi uu xitaa u isticmaalay sidii xijaab.




















