Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada, Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac,ayaa kulan is xogwaraysi ah la yeeshay masuuliyiinta hay’adda Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Kulanka wasiirka oo ay ku wehelinayeen Agaasimaha guud Mukhtar Cabdi Jaamac (Baaxo) iyo masuuliyiin kale, ayaa shalay kulan muhiim ah la yeeshay, Ku-xigeenka Xafiiska UNHCR Representative Office iyo madaxda xafiiska UNHCR ee Hargeysa.
Kulankan oo ahaa mid is-xog-waraysi iyo qiimayn qoto dheer lagu sameynayay xaaladda dhabta ah ee qaxoontiga iyo magangelyo-doonka ku sugan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saamaynta ay yeesheen yaraanshaha deeqaha bani’aadannimo ee caalamku. Waxaa si faahfaahsan looga hadlay xaaladaha caafimaadka, waxbarashada, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.
Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda barakacayaasha iyo soo-noqdayaasha, iyo caqabadaha bani’aadannimo ee ay wajahayaan, gaar ahaan marka la eego duruufaha adag ee ka dhashay isbeddellada cimilada iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah.
Wasiirku waxa uu warbixin qoto dheer ka bixiyay xaaladda abaarta dalka iyo saamaynta baaxadda leh ee ay ku yeelatay bulshada, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo gurmad bani’aadannimo si wax looga qabto dhibaatooyinka biyo-yaraanta iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee ay wajahaan bulshada reer Somaliland.




















