Weeraryahanka Bayern Munich, Harry Kane, ayaa hoggaaminaya tartanka European Golden Boot xilli ciyaareedkan, isagoo ka sarreeya xiddigo waaweyn sida Kylian Mbappé iyo Erling Haaland.
Sida laga soo xigtay Transfermarkt rankings, Kabtanka England ayaa ka horeeya xiddiga Real Madrid ee Kylian Mbappe iyo xiddiga Man City ee Erling Haaland.
Kane ayaa hoggaanka u haya isagoo leh 31 gool, waxaana kaalinta labaad ku jira Mbappé halka Haaland uu ku jiro kaalinta saddexaad.
Halkan waxaa ku qoran 10-ka ugu sarreeya ee European Golden Boot xilli ciyaareedkan:
Harry Kane (Bayern Munich) – 31 gool, 62 dhibcood
Kylian Mbappé (Real Madrid) – 23 gool, 46 dhibcood
Erling Haaland (Manchester City) – 22 gool, 44 dhibcood
Igor Thiago (Brentford) – 19 gool, 38 dhibcood
Luis Suárez (Sporting Portugal) – 24 gool, 36 dhibcood
Undav (Stuttgart) – 18 gool, 36 dhibcood
Vedat Muriqi (Mallorca) – 18 gool, 36 dhibcood
Ayase Ueda (Feyenoord) – 22 gool, 33 dhibcood
Panichelli (Strasbourg) – 16 gool, 32 dhibcood
Paul Onuachu (Trabzonspor) – 21 gool, 31.5 dhibcood




















