“Cidna Ma Joojin Karto”:-Rooney Oo Saadaal Cusub Ka Bixiyay Kooxda Ku Guuleysaneysa Premier League Xilli Ciyaareed Kaan Weeraryahankii hore ee England, Wayne Rooney

0
131

Weeraryahankii hore ee England, Wayne Rooney, ayaa saadaaliyay in Arsenal ay gaadhi doonto dhammaadka oo ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, inkastoo laga adkaaday finalkii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Manchester City dhammaadkii toddobaadka.

Halyeeyga Manchester United ayaa arrintan kaga hadlay podcast-kiisa BBC, isagoo ku dooday in hoggaanka sagaalka dhibcood ee Arsenal oo ay weheliso hufnaantooda iyo awooddooda difaac, ay siiso faa’iido ka sarreysa Manchester City.

“Si Manchester City ay u soo qabtaan Arsenal, waxay u badan tahay inay khasab ku tahay inay guuleystaan kulan kasta isla markaana ay arkaan Arsenal oo luminaysa toddobo dhibcood. Taasi waa hawl adag,” ayuu yidhi Rooney.

“Waxaan hubaa in Arsenal ay dib ugu laaban doonto guulaha oo ay dhammeystiri doonto hanashada horyaalka Premier League.

“Waa kuwo aad u fiican, aad u hufan, isla markaana difaac ahaan aad u xooggan. Uma maleynayo inay kulan luminayaan.”