FIFA Oo Soo Saartay Xeerar Cusub Ka Hor Koobka Adduunka Ee 2026 FIFA ayaa ku dhawaaqday isbeddello muhiim

0
159

FIFA ayaa ku dhawaaqday isbeddello muhiim ah oo la xidhiidha xeerarka, kuwaas oo la dhaqan gelin doono Koobka Adduunka 2026 ee ka dhici doona United States, Mexico iyo Canada. Xeerarkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo socodka ciyaarta isla markaana lagu yareeyo cunidda waqtiga.

Ciyaaryahanka la beddelayo ayaa heli doona ugu badnaan 10 ilbiriqsi si uu uga baxo garoonka. Haddii uu waqtigaas ka badan qaato, ciyaaryahanka beddelkiisa waa inuu sugaa 1 daqiiqo ka hor inta aannu soo gelin, taasoo kooxda ka dhigeysa inay 10 ciyaaryahan ku ciyaarto muddadaas.

Waxaa sidoo kale la hirgelin doonaa xeer 5-ilbiriqsi ah oo ku saabsan tuurista kubadda (throw-ins) iyo gool-ka laadyada (goal kicks). Haddii waqtiga la dhaafo, kubadda waxaa la siin doonaa kooxda ka soo horjeeda.

Ciyaaryahan kasta oo daryeel caafimaad ku helo gudaha garoonka waa inuu ka baxaa garoonka isla markaana sugaa hal daqiiqo ka hor inta aannu dib ugu soo laaban, marka laga reebo haddii dhaawaca uu ka dhashay qalad sababay kaar.

Nidaamka VAR ayaa hadda dib u eegi doona koornooyinka si khaldan loo bixiyo. Kaliya kabtanka kooxda ayaa loo oggolaan doonaa inuu u dhowaado garsooraha si uu sharaxaad u weydiiyo.

Ciyaartoyda kale ee isku dayaya inay hareereeyaan garsooraha waxay halis ugu jiraan inay qaataan kaarka jaalaha ah.