Wasaaradda Caafimaadka oo Bilowday Dardar Cusub oo Lagu Horumarinayo Adeegyada Caafimaadka Dalka

0
186

Barnaamijka caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona,  wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dardar xooggan gelisay horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, iyada oo la qaaday tallaabooyin isugu jira tababbarro xirfadeed, kormeerro shaqo, shirar istaraatiiji ah iyo hirgelinta qalab casri ah oo sare u qaadaya tayada daryeelka bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa si rasmi ah u soo xidhay tababar socday saddex maalmood oo lagu tayeynayay xogta caafimaadka iyo sida loogu adeegsado go’aan qaadashada.

Tababarkan oo ka qabsoomay Hargeysa, waxa ka qayb galay shaqaale ka kala socday heer qaran, gobol iyo degmo, gaar ahaan waaxyaha tallaalka iyo HMIS.
Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyay in xog sax ahi tahay laf-dhabarta qorshaynta caafimaadka, isla markaana aqoonta la helay ay si toos ah u saameyn doonto horumarinta adeegyada, gaar ahaan kuwa tallaalka carruurta.

Sidoo kale, tababar kale oo muhiim ah oo ku saabsan IDSR (la socodka iyo ka jawaabista cudurrada faafa) ayaa la furay, kaas oo socon doona afar maalmood, laguna xoojinayo awoodda xarumaha caafimaadka ee ogaanshaha iyo xakamaynta cudurrada faafa.

Masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco, halkaas oo ay ku qiimeeyeen xaaladda adeegyada caafimaadka iyo sahayda dawooyinka. Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray mashruuca  Better Life , si loo hubiyo tayada kaydinta dawooyinka iyo in adeegyadu gaadheen bulshada loogu talagalay.

Waxa kale oo la booqday cisbitaalka guud ee Burco iyo xarumo caafimaad oo kala duwan, iyadoo si gaar ah loo eegay habraacyada kaydinta iyo qaybinta dawooyinka, isla markaana lala kulmay shaqaalaha caafimaadka si loo fahmo caqabadaha jira.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa isaguna kormeer ku tagay Burco, isagoo si gaar ah u qiimeeyay xaaladda cudurka jadeecada oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka.

Wasiirku waxa uu si toos ah u kormeeray qaybaha muhiimka ah ee cisbitaalka, oo ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah iyo waadhka jadeecada.

Magaalada Addis Ababa waxa lagu qabtay shir aqoon-isweydaarsi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray maalgelinta caafimaadka, xeerarka iyo maamul-daadejinta, waxa uu fursad u noqday labada dhinac inay is dhaafsadaan khibrado iyo habab casri ah oo lagu horumarin karo nidaamyada caafimaadka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale qabatay tababarro la xidhiidha ka hortagga iyo daaweynta shuban-biyoodka, gaar ahaan gobolka Maroodijeex, si loo yareeyo khataraha cudurrada faafa.

Intaa waxa dheer, kulan qaran oo lagu horumarinayo barnaamijka qaaxada (TB) ayaa lagu qabtay Hargeysa, kaas oo lagu falanqeeyay caqabadaha jira iyo xalalka suurtagalka ah.

Kulankaasi waxa uu xooga saaray kordhinta wacyigelinta, hagaajinta ogaanshaha hore, iyo xoojinta nidaamka xog ururinta.

Guul weyn oo laga gaadhay dhinaca adeegyada caafimaadka ayaa ah daahfurka mashiinka CT Scan oo laga hirgeliyay Cisbitaalka Guud ee Boorama.

Qalabkan casriga ah ayaa awood u siinaya dhakhaatiirta inay si sax ah u ogaadaan cudurro badan, isla markaana yareynaya baahida loo qabo in bukaannadu u safraan dibadda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale samaysay isbeddello maamul, iyadoo Agaasimaha Guud si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay agaasimeyaal cusub iyo kuwii hore.

Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu xoojiyo hufnaanta iyo waxqabadka waaxyaha kala duwan.

Kulamo joogto ah oo ay yeeshaan hoggaanka wasaaraddu ayaa lagu falanqeeyaa waxqabadka, caqabadaha iyo qorshayaasha mustaqbalka, iyadoo si gaar ah loo xoojinayo wada shaqaynta iyo isla xisaabtanka.

Gaba-gabaddii, Guud ahaan, dadaalladan is-daba-joogga ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxay muujinayaan istaraatiijiyad cad oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka. Isku darka tababbarro xirfadeed, kormeerro joogto ah, iskaashi caalami ah iyo casriyeynta qalabka caafimaadka ayaa horseedaya nidaam caafimaad oo tayo leh, la isku halayn karo, isla markaana si siman u gaadha bulshada reer Somaliland.

Nuxurka fariinta barnaamijkan.

Barnaamijkan waxa uu muujinayaa dadaalka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, iyada oo la xoojinayo tababarrada, tayada xogta, kormeerka adeegyada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Waxa kale oo la dardargeliyay la dagaallanka cudurrada faafa, halka qalab casri ah sida CT Scan laga hirgeliyay Boorama.

Guud ahaan, qorshayaashani waxay ujeedadoodu tahay adeeg caafimaad oo tayo leh, hufan, oo si siman u gaadha bulshada.