Dalalka ay Hadda Ugu Horreyso Ka Qayb Galka Koobka Adduunka

0
130

Afar wadan ayaa isku diyaarinaya ka qeyb galka koobka aduunka markii ugu horreysay xagaagan. Jasiiradda yar ee Caribbean-ka ee Curaçao ayaa noqon doonta dalka ugu yar ee ka qayb galaya Koobka Adduunka marka ay wajahaan Germany, Ivory Coast iyo Ecuador oo ku wada jira Guruub E. Curaçao waxay ku taal meel 59.55 kiiloomitir u jirta xeebta Venezuela, waxa ku nool in ka badan 150,000, waana aag dhan 443 kiiloomitir laba jibaaran. Curacao ayaa ku biirtay Boqortooyada Nederland sanadkii 2010.

Dhanka Cape Verde, waa dalka saddexaad ee ugu yar ka dib Curacao iyo Iceland si uu u gaadho Koobka Adduunka. Kooxda “Blue Sharks” ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee guruubkooda isreebreebka, iyagoo ka sarreeya Cameroon oo ka mid ah xulalka Afrika ugu xoogan.

Cape Verde waa jasiirad ka kooban toban jasiiradood oo ku yaalla badweynta Atlaantigga, waxa ku nool dad ka yar 525,000. Waxa ay xornimada ka qaadatay Portugal 1975kii, waxayna markii ugu horreysay isku dayday inay u soo baxdo Koobka Adduunka markii tartanka lagu qabtay Japan iyo South Korea 2002dii.

Xulka Cape Verde waxa ay isreeb-reebka Guruub H ku wajihi doonaan Spain, Sacuudiga iyo Uruguay.

Laba kooxood oo Asia ka socda, Uzbekistan iyo Urdun, ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galaya isreebreebka. Xulka Uzbekistan ayaa gaadhay semi-finalka koobka Asia 2011-kii.

Waxaa hadda tababare u ah Fabio Cannavaro oo ahaa kabtankii xulka qaranka Talyaaniga ee ku guuleystay koobkii adduunka ee 2006dii.

Xulka qaranka Uzbekistan ayaa waxaa ku jira ciyaaryahano caan ah sida daafaca Manchester City Abdulkadir Khusanov iyo weeraryahankii hore ee Roma Eldor Shomurodov.

Uzbekistan waxa ay rajaynaysaa in ay guulo ka gaadho Guruub ay ku jiraan Portugal, Colombia iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Dhanka Urdun, waxay ku dhameysatay kaalinta labaad ee guruubkeeda iyadoo afar guul iyo afar barbaro gashay tobankii kulan ee ay ciyaareen wareega seddexaad ee isreebreebka Asia.

Xulka qaranka Urdun ayaa ku jira kaalinta 63-aad ee caalamka, waxaana ay sameeyeen horumar joogto ah, kadib markii ay gaadheen finalka koobka Asia 2023, ka hor inta aannay guuldaro kala kulmin Qatar oo martigelineysa.

Xulka Urdun ayaa ku wada jira Guruub-ka 10-aad oo ay ku jiraan xulalka Argentina, Algeria iyo Austria.