Midawga Afrika (AU) oo lagu Dhaliilay Inuu ka Gaabiyay Aqoonsigga Somaliland

0
109

Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Horn of Africa Affairs ayaa soo bandhigtay warbixin qoto dheer oo iftiiminaysa is-burinta iyo fashilka siyaasadeed ee ka dhex jira ururka Midowga Afrika ee ku saabsan arrinta Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintu waxay muujineysaa in Midowga Afrika uu si cad isaga indho-tiray in uu tixgeliyo natiijooyinka baadhitaankii rasmiga ahaa ee ururku sameeyay sannadkii 2005, kaas oo lagu qiray in Somaliland ay tahay dawlad madax-bannaan oo leh xaalad gaar ah oo taariikheed iyo sharciyeed.

Warbixintan, oo laga baahiyay barnaamijka Deep Dive ee Horn of Africa Affairs, ayaa muujineysa in ururka Midowga Afrika aanu ilaa hadda qaadin wax tallaabo siyaasadeed ah iyo go’aan gole oo la xidhiidha natiijada muhiimka ah ee kasoo baxday baadhitaanka guddidii golaha Midawga Afrika u saaray qaddiyadda madax-bannaanida iyo dawladnimda Jamhuuriyadda Somaliland. Taas oo ah mid si cad u iftiiminaysa fashilka siyaasadeed ee ururka Midowga Afrika ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland.

Warbixintu waxa kale oo ay tilmaamaysaa in xaaladdani ay khatar ku tahay kalsoonida ururka, maadaama ay muujinayso in mabaadi’da siyaasadeed iyo danaha dhaqaale ee hal dal oo xubin ka ah ururka Midowga Afrika ay 𝘬𝘢 xoog badan-yiin qaraar rasmi ah oo ka dhashay baadhitaan socday tobannaan sanno oo ka soo baxay guddi gole. Taasina ay tahay calaamad muujinaysa in Midowga Afrika uu noqday hay’ad si gaar ah loo maamulo, taas oo keentay in ururka uu ka gaabsado qaadashada go’aanno rasmi ah iyo in danaha qaar ay si xad dhaaf ah u saameynayaan go’aannada siyaasadeed ee ururka.

Barnaamijkan ayaa iftiimiyay baaxadda dhaliilaha iyo isburinta siyaasadeed ee ururka Midowga Afrika, iyo sababta natiijooyinka baadhitaanka ee la xidhiidha arrinta Somaliland loogu xabisay meel mugdi ah, iyadoo aan laga dhigin ajande rasmi ah oo siyaasadeed. Waxaa lagu xusay: “Si aynu u fahanno sababta hoggaanka Midowga Afrika ay u rabaan inay u aasaan xogtaas, waa in ayno marka hore eegnaa waxa Midowga Afrika uu dhab ahaan helay markii ay runta raadinayeen markii ugu horreysay. Sannadkii 2005, Midowga Afrika wuxuu Somaliland u diray wefdi rasmi ah oo xaqiiqo raadin ah. Shaqadoodu waxay ahayd inay qiimeeyaan dawladnimada iyo madax-bannaanida Somaliland, xagga siyaasadda, sharciga, iyo taariikhda. Waxay u kuur-galeen xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhulka.

Natiijooyinkii ay keeneen waxay ahaayeen kuwo aad u culus. Marka loo eego cilmi-baadhista ISS Africa, wefdigu wuxuu qaraarkiisa ku soo gabagabeeyay in dawladnimada Somaliland ay leedahay sees adag oo sharci iyo taariikh cad oo dawladnimo. Tanina waa xog dhab ah oo leh xigasho rasmi ah: “mid taariikheed ahaaneed u gaar ah, isla markaana iskood isu qiil-bixinaya marka loo eego taariikhda siyaasad ee Afrika.”

Warbixinta Barnaamijka Deep Dive waxay intaasi raacisay “Marka urur caalami ah oo weyn uu u diro baadhitaan rasmi ah oo ballaadhan oo dalka gudihiisa ah, waxaa jirta filasho buuxda oo ah in natiijadu ay dhaliso go’aanno rasmi ah. Natiijooyinkaas waxay noqdaan qayb ka mid ah diiwaanka rasmiga ah, waxayna qaabeeyaan siyaasadaha mustaqbalka. Uma diraysid khubaro deegaan juquraafi-siyaasadeed oo aad u adag si aad kaliya gabagabada natiijada ugu xidho qol madow oo aad ka dhigto in hawlgalkaasi aanu weligiis dhicin.”

Sidoo kale warbixintu waxay xustay loolanka dekahaha Somaliland iyo Jabuuti, waxaanay xustay “Jabuuti waxay haysataa awood dhaqaale oo muhiim ah, taasoo ka dhalatay xidhiidhka ay la leedahay Itoobiya oo ah dal dad badan oo dhaqaale weyn leh, isla markaana gebi ahaanba ku tiirsan dekedaha Jabuuti, maadaama aanay lahayn bad toos ah oo ay isticmaasho. Sidaa darteed, Jabuuti waxay haysataa kooto ku saabsan ganacsiga iyo saadka Itoobiya.

Tartanka Somaliland: Haddii Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah, waxay noqon kartaa mid si madax-bannaan uga qeyb gasha heshiisyo caalami ah, taasoo fursad u abuuri karta inay casriyeyso dekedahooda waaweyn, sida Berbera. Tani waxay ka dhigan tahay in Jabuuti ay luminayso awooddii kelinimada (monopoly) ee ay ku haysay ganacsiga Itoobiya, taasoo muhiimad weyn u leh dhaqaalaha Jabuuti.”