Pep Guardiola Oo Farta Ku Fiiqay Labada Xiddig Ee Kooxdiisa U Suurtageliyay Inay Gaadho Finalka FA Cup-ka

0
130

Macallinka kooxda Manchester City, Pep Guardiola, ayaa farta ku fiiqay laba ciyaaryahan oo qayb ka qaatay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Southampton kulankii semi-finalka FA Cup-ka ee dhacay maalintii Sabtida.

Guardiola ayaa daawaday kooxdiisa oo guul 2-1 ah ku gaadheysa garoonka Wembley, ka dib markii qaybtii dambe ee ciyaarta ay goolal u dhaliyeen Jeremy Doku iyo Nico Gonzalez.

Isagoo hadlay wareysiga ciyaarta ka dib, Guardiola ayaa ammaan u jeediyay Jeremy Doku iyo Savinho, isagoo sheegay inay kooxda siiyeen “tamar” cusub oo ka caawisay inay ka guuleystaan Southampton qaybtii dambe ee tartanka.

“Waxay ahaayeen 19 kulan oo aan laga badin, markaas marnaba uma malaynayn inay fududaan doonto,” ayuu yidhi Guardiola.

Wuxuu intaas ku daray: “Tamartii aan ka helnay Jeremy iyo Savinho qaybtii dambe [ayaa na caawisay], laakiin haddii ay ciyaarta ku bilaaban lahaayeen markii hore, ma ayan heli laheen tamartan oo kale.”

Manchester City ayaa hadda u gudubtay finalka FA Cup-ka, halkaas oo ay ku sugayso kooxda soo baxda kulanka dhexmaraya Chelsea iyo Leeds United.