Saadaasha 5-ta Koox Ee Premier League u soo Bixi Doona Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe

0
105

Supercomputer-ka” Opta ayaa soo saaray saadaal cusub oo ku saabsan shanta kooxood ee xilli-ciyaareedkan horyaalka Premier League ka soo aadi doona tartanka Champions League, maaddaama dalka Ingiriisku uu heli doono shan boos sannadkan.

Sida ay qortay Daily Post, Arsenal iyo Manchester City ayaa mar hore xaqiijiyay boosaskooda tartanka Yurub ee heerka koowaad. Hadda, saadaashu waxay tilmaamaysaa in saddexda boos ee soo haray ay si weyn ugu dhow yihiin kooxaha Manchester United, Liverpool, iyo Aston Villa.

Saddexdan kooxood ayaa la siiyay fursad dhan 97% inay ku dhammaystaan shanta boos ee ugu sarreeya, iyadoo dhibco yar ay u dhexeyso mid walba. Aston Villa iyo Liverpool ayaa hadda fadhiya boosaska afaraad iyo shanaad, iyagoo siddeed dhibcood ka sarreeya kooxda Brighton oo ku jirta booska lixaad.

Dhinaca kale, isla supercomputer-ka ayaa saadaaliyay in Arsenal ay tahay kooxda ugu cad-cad ee ku guuleysan karta tartanka Champions League ee sannadkan, iyadoo la siiyay fursad dhan 37%, halka Bayern Munich ay ku xigto oo leh 36%. Arsenal ayaa caawa la ciyaari doonta Atletico Madrid wareegga semi-finalka, halka PSG iyo Bayern Munich ay iyaguna iska hor iman doonaan.