“Waxaa la Ina Faray In Aynu Ku Sujuudno Toddoba Xubnood”

0
149

Sujuuddu waa tiir weyn oo salaadda ah, waana halka ugu muhiimsan. Sujuudu wuxuu qofku ku muujinayaa inuu yahay addoonku u hoggaansamay Rabbigiisa iyo inuu u khuduuco. waxa uu Nebigu, inoo sharaxayaa Sawirka iyo qaabka saxda ah ee sujuudda, isaga oo inoo sheegaya in Eebbe kor ahaaye uu ku amray inuu ka sujuudo toddobo xubnood. Sida uu ku cadeeyey xadiiska saxeexa ah uu wariyey Cabdilaahi Ibnu Cabaas ayna soo saareen Bukhaari iyo Muslim, waxa uu yidhi “ Waxa la igu amray in aan ka sujuudo todoba xubnood: Jabhada oo Wejiga iyo Sanka ah, labada gacmood oo calaaasha iyo faraha ah, labada Ruug, iyo Faraha Adimada, isla markaana aanan ku mashquulin Timaha iyo maryaha”.
Dhammaan xubnahaas Nebigu wuu wada sharaxay. Toddobada waxa ugu horeeya Jabhada, oo dhulka la dhigayo dusha sare ee wejiga iyo sanka. Nebigu, nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuu gacantiisa ku tilmaamay sankiisa, taas oo muujinaysa in foodda iyo sanku ay yihiin mid ka mid ah toddobada xubnood, wuxuu ku adkeeyey in qofka sujuuddaya uu dhulka taabto sankiisu. Waxa ku xiga gacmaha oo ah inta loo yaqaan Kufka oo ka kooban calaacasha iyo faraha oo si siman dhulka loo dhigo, weliba faraha oo urursan oo jihada u jeeda. Waxaana la la simayaa garbaha marka uu qofku sujuudsan yahay. Sidoo kale, jilbaha ama labada ruug oo aan kala fogayn, isla markaana laysku dhejin, iyo labada addin oo faraha hore dhulka la dhigo, iyaga oo isku dhow.
Waxa xadiiska u danbeeya in aanaan ku mashquulin Timaha iyo dharka. Waxa loo jeedaa haduu qofku Timo dheer leeyahay oo marka uu sujuudo ay ku soo dhacayaan wejiga iyo sidoo kale dharkiisa ama cumaamad madaxa u saaran. Waxa fiican inuu qof kastaa isku eego xadiiska iyo xubnaha la sheegay. Xadiisku waxa uu ina amrayaa in todobaada xubnood dhulka ku dhacaan wakhtiga sujuuda. Jabhada waan in aan wejiga oo keliya la dhigin, laakiin wejiga qaybtiisa sare iyo sanka, sidaas oo kale gacmaha oo ah calaacasha iyo faraha oo dhulka haysta. Labada Ruug oo dhulka ku qotoma iyo labada cagood farahooda. Lama ogola in mid la dhigo ta kalena kor loo hayo ama labadoodaba kor loo hayo.
Faa’iidada Xadiisku waa maxay?
Faa’iidada koowaad: Xadiiska waxaa ku jira sharraxaadda sujuudda waajibka ah, taas oo ah sujuudda toddobada xubnood , waana tiir salaadda ah. Markaa qofka Muslimka ah waa inuu, marka uu sujuudo, dhulka dhigaa toddobadan addimood, si uu u sameeyo sujuudda sharciga ah, waana: foodda sanka, gacmaha, jilbaha, iyo faraha cagaha.
Faa’iidada labaad: Qofka Muslimka ah waa inuu cagihiisa dhulka dhigaa inta lagu jiro sujuudda, ugu yaraana inta uu ka dhammaynayo xuska waajibka ah ee sujuudda. Caalimkii Cabd al-Raxmaan al-Saadi, Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu yidhi: Haddii cagta kor loo qaado laga bilaabo bilowga sujuudda ilaa dhammaadka, salaaddiisu ma ansaxayso, sababta oo ah wuxuu ka tagay qaar ka mid ah todobadii xubnood cudurdaar la’aan.
Faa’iidada saddexaad: Qofka Muslimka ahi waa inuu ku nastaa sujuuddiisa , isaga oo dhigaya toddobada qaybood ee jidhka ee loo isticmaalo sujuudda dhulka oo uu ku sugnaanayo ilaa uu ka akhriyo Tasbiixda Sujuuda. Qofkii si ula kac ah ugu nasan waaya sujuuddiisa ama aan la iman xasilooni, salaaddiisu way buraysaa, sababta oo ah xasilloonidu waa tiir salaadda ka mid ah. Waxa la ina amrayaa in Rukun kasta lagu xasilo oo Dumaaniino lala yimaado.