Dagaalyahannada Ruushka oo lagu khasbay in ay ka baxaan waqooyiga Mali

0
101

Ka dib dhammaadkii toddobaadkan oo ay weeraro isku xidhan ka geysteen dagaalyahannada gooni-u-goosadka ah iyo dagaalyahannada Islaamiga ah ee ka dagaallamaya dalka Mali, ciidamada Ruushka ee ku sugan dalkaas oo gacan ka geysanaya ilaalinta dowladda militariga ayaa xaqiijiyay inay ka baxeen magaalada Kidal ee waqooyiga dalkaas.

Qoraallo taxane ah oo ay baraha bulshada soo dhigeen, ciidamada Afrika ee Ruushka ayaa sheegay inay “ka baxeen deegaanka” iyaga oo la socda ciidamada Mali.

Kooxda gooni u goosadka ah ee Azawad Liberation Front (FLA) ayaa Axaddii sheegtay in ciidamada Ruushku ay ku heshiiyeen inay si joogto ah uga baxaan, waxayna sheegeen inay gacanta ku hayaan Kidal, iyaga oo ku dhawaaqay inay “hadda xor tahay”.

Maali waxay sannado badan la kulantay kacdoonno ka imanayay kooxaha gooni-u-goosadka ah ee waqooyiga, iyo kooxo xidhiidh la leh al-Qaacida iyo kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Sabtidii, qaraxyo iyo rasaas joogto ah ayaa laga soo sheegay qaybo badan oo ka mid ah Mali , oo ay ku jirto caasimadda, Bamako.

Weeraro ayaa sidoo kale laga soo sheegay magaalooyinka dhexe ee Sevare iyo Mopti, iyo sidoo kale Gao iyo Kidal oo ku yaal waqooyiga, oo ku yaal cidhifyada koonfureed ee saxaraha Sahara.

Magaalada Kati – oo ah magaalo u dhow caasimadda, isla markaana hoy u ah saldhig milatari oo weyn waxa lagu dilay wasiirkii difaaca ee Mali Sadio Camara,  waxa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi xamuul ah oo lagu weeraray gurigiisa.

Warbixinnada ayaa sheegaya in weerarka ay qaadeen FLA – oo raadineysa dowlad ka go’da gobollada waqooyi ee ay ku badan yihiin dadka Tuaregs.

Afhayeenka FLA Mohamed Elmaouloud Ramadane ayaa sheegay in heshiis dhexmaray iyaga iyo Ciidanka Afrika ee Ruushka iyada oo “lagu heshiiyay in si ammaan ah looga baxo dagaalka”. Xaaladda Jamhuuriyadda Mali wali way cakiran.

Dalka Mali ayaa ciidamada Ruushka siiya lacag u dhiganta ugu yaraan $3,000 (£2,200) bishii.