Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa toddobaadka soo socda safar ku tagi doono Beijing kaas oo uu muddo badan dib u dhigay. Bishii April ayaa dib loogu dhigay safarka intii uu socday dagaalkii Iraan. Shiinuhu wuxuu ku baaqay in dib loo furo Gacanka Hormuz, halkaas oo inta badan alaabada tamarta ee ay ku tiirsan tahay ay marto.
Imaatinka Beijing ayaa ku beegmaya iyada oo aan khilaafka la xallin, ama uu mar kale sii xoogaysanayo tani waxay daciifnimo gelimaysaa wadahadalladiisa uu la leeyahay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.
Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent oo Isniintii la hadlay Fox News, ayaa sheegay in wadahadallo hordhac ah oo lala yeeshay Shiinaha ka hor booqashada Trump ay wax badan ka qaban karaan sidii Iiraan loogu qancin lahaa inay maraan maraakiibtu marin biyoodka. “Aan aragno haddii Shiinaha aan aragno iyaga oo la jaan qaadaya diblomaasiyad oo ay Iiraaniyiinta u sahlayso inay furaan marin biyoodka,” ayuu yidhi




















