“Washington Waxay Somaliland u Aqoonsatay Lammaane Wax ku Biirin Kara Amniga Gobolka”

0
113

Warbixinta Maraykanka: “Is-beddel Juqraafi-siyaasadeed oo cusub”

“Somaliland iyo Maraykanka: Iskaashi iyo Fursad Cusub oo Istaratiiji ah”

Qore Axmed M. Saleebaan

Washington (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee AN24 ayaa soo bandhigtay muhiimadda ay xambaarsan tahay warbixinta cusub ee dhawaan loo gudbiyay Aqalka Kongareeska Mareykanka, taas oo iftiimisay meelaha ay Somaliland iyo Dawladda Maraykanku iska kaashan karaan. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in arrintani si cad u muujinayso sida Somaliland oo ku taalla marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah Geeska Afrika, ay u kasbanayso dareenka beesha caalamka, gaar ahaan xiisaha sii kordhaya ee Dowladda Mareykanka.

Warbixintan oo Wargeyska DAWAN ka soo xigtay AN24, ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadani ay muujinayso isbeddel muuqda oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan sida Washington ay u qiimeyneyso doorka sii kordhaya ee Somaliland iyo saamaynteeda Geeska Afrika. Warbixintu waxay intaa ku dartay in dukumentiyada loo gudbiyay Aqalka Kongareeska Mareykanka uu si cad u tilmaamayo in Somaliland ay tahay lamaane istaraatiiji ah oo muhiimad gaar ah u leh dawladda Maraykanka iyo guud ahaan caalamka.

Sidoo kale warbixintan caalamiga ah ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay muddo ka badan soddon sano dhisaysay nidaam siyaasadeed oo deggan, hay’ado dowladeed oo si habsami leh u shaqeeya, iyo jawi amni oo ka duwan xaaladaha ka jira qaybo badan oo gobolka ah. Taasina ay tahay sababta iyo arrimaha ugu waaweyn ee horseeday in quwadaha caalamiga ahi ay si dhab ah u eegaan doorka ay Somaliland ka qaadan karto xasilloonida iyo amniga gobolka.

Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta AN24 in tallaabadan cusub ee ay qaaday dawladda Maraykanku ay muujinayso xaqiiqo siyaasadeed oo cusub oo ka tarjumaysa awoodda iyo doorka istaraatiijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyo kaalinteeda muhiimka ah ee Geeska Afrika, Sidoo kalena ay si cad u iftiiminayso in Somaliland ay tahay saaxiib iyo lammaane dimuquraadi ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana wax ku biirin kara amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, waxa lagu xusay in iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay warbixintu soo bandhigtay ay muujinayaan sida Washington u garwaaqsatay in Somaliland ay tahay hawl-wadeen caalami ah oo muhiim ah oo aan la iska indho tiri karin. Waxa kale oo lagu xusay in horumarkani uu Somaliland siinayo fursad ay ku xoojiso sumcaddeeda caalamiga ah, sidoo kalena ay tahay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa muuqaalka Somaliland ee masraxa caalamiga ah.

Waxa kale oo ay intaas raacisay warbixintu in tallaabadan cusub ee dawladda Maraykanku ay ka dhigan tahay guul diblomaasiyadeed oo muujinaysa in Somaliland ay maanta ka gudubtay marxaladdii hore ee diblumaasiyadee, isla markaana ay noqotay ciyaaryahan istaraatiiji ah oo leh muhiimad ballaadhan oo quwadaha adduunku ay si weyn u xiisaynayaan, gaar ahaan ka qayb-galkeeda caalamiga ah ee iskaashiga arrimaha amniga, ganacsiga iyo siyaasadda gobolka.