Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimayaasha Waaxyaha Cududda Shaqaalaha (HR) ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Somaliland. Kulankan ayaa lagu lafaguray xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dawladda, horumarinta maamulka shaqaalaha, tayeynta adeegyada shaqaalaha, iyo dardargelinta hirgelinta siyaasadaha, xeerarka iyo habraacyada hagaya shaqaalaha dawladda.
Guddoomiyuhu waxa uu Agaasimayaasha ku adkeeyey muhiimadda doorkooda hoggaamineed ee horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha, xoojinta isla-xisaabtanka, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka hay’adaha dawladda. Waxa kale oo uu ku boorriyey inay laba-jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo u hoggaansanaanta nidaamyada iyo shuruucda shaqaalaha dawladda, si loo helo adeeg dawladeed oo hufan, tayo leh, kana jawaaba baahiyaha bulshada.
Kulankan istaraatiijiga ah, oo uu Guddoomiyaha ku wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL, Mudane Xasan Xuseen Cabdi “Xaydar”, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Mudane Siciid Muuse Xoosh “Rooble”, wuxuu xambaarsanaa farriin ka baxsan kulan shaqo oo caadi ah. Waxa uu muujinayey sida ay xukuumadda wadajir iyo waxqabad mudnaanta u siinayso tayeynta maamulka shaqaalaha iyo dhismaha hannaan dawladnimo oo ku dhisan hufnaan, isla-xisaabtan iyo wax-qabad.
Shaqaalaha dawladdu waa laf-dhabarta ay adeegyada hay’adaha xukuumaddahu ku gaadhsiiyaan bulshada. Sidaa darteed, horumar kasta oo lagu sameeyo nidaamka maamulka shaqaaluhu wuxuu si toos ah u saameeyaa tayada adeegyada ay muwaadiniintu helaan. Xoojinta wada-shaqaynta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo waaxyaha HR-ka ee hay’adaha kala duwan, waxay door muhiim ah ka qaadanaysaa mideynta habraacyada shaqo, kobcinta kartida shaqaalaha iyo kor u qaadista waxqabadka hay’adaha dawladda.
Sidoo kale, dardargelinta hirgelinta siyaasadaha, xeerarka iyo habraacyada shaqaalaha ayaa saldhig u ah xaqiijinta caddaaladda, sinnaanta iyo daahfurnaanta maamulka. Hay’ad kasta oo dawli ahi waxay u baahan tahay shaqaale aqoon iyo karti leh, nidaam shaqo oo hufan, iyo hoggaan si buuxda u fahamsan masuuliyadda ka saaran horumarka qaranka. Taasi waxay ka dhigaysaa Agaasimayaasha Waaxyaha Cududda Shaqaalaha tiir muhiim u ah maamulka casriga ah ee dawladda.
Dhanka kale, warbixinnada iyo talooyinka ay kulanka ku soo bandhigeen Agaasimayaasha Waaxyaha Cududda Shaqaaluhu waxay muujinayeen sida ay uga go’an tahay xallinta caqabadaha jira iyo horumarinta jawiga shaqo ee hay’adaha dawladda. Wadaagista khibradaha, aqoonta iyo xogaha noocan ahi waxay sare u qaaddaa awoodda hay’adaha dawladda ee ku aaddan gaadhista himilooyinka qaranka iyo kor u qaadista tayada adeegyada ay bixiyaan hay’addaha dawladdu.
Ugu dambayn, dadaallada ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ku waddo casriyeynta maamulka shaqaalaha waxay door muuqda ka qaadanayaan abuurista adeeg dawli ah oo tayo leh, dhismaha shaqaale dawladeed oo leh karti, anshax shaqo iyo hufnaan, isla markaana ku shaqeeya nidaam mideysan ayaa ah tiirka ugu weyn ee lagu gaadho dawladnimo wanaagsan iyo adeeg bulsho oo waxtar leh. Sidaa darteet kulankani wuxuu tusaale u yahay sida hoggaan firfircoon iyo wada-shaqayn wax-ku-ool ahi u horseedi karaan horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan hay’adaha dawladda iyo guud ahaan bulshada Somaliland.




















