“Haddii uu jiro wax aan rabo inaan arko ka hor inta aanan dhiman, waa in aan arko qaran Afrikaan ah oo ku guuleysta Koobka Adduunka, sababta oo ah kani waa tartan aan dhammaanteen si xamaasad leh u jecelnahay.”
Sidaa waxa yidhi Sunday Oliseh. Sunday Oliseh wuxuu qayb ka ahaa kooxdii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee ku guuleysatay billada dahabka ah ee kubadda cagta ee Olombikada adduunka, isaga oo ka caawiyay Nigeria inay taariikh ka sameyso Ciyaarihii Atlanta 1996, laakiin 51-jirkan ayaa weli sugaya inuu arko guushaas oo la mid ah oo ah Koobka Adduunka ee Fifa.
Tan iyo 1930-kii oo la bilaabay koobka adduunka waxaa la ciyaaray 22 jeer, tan iyo waqtigaasna 49 kooxood ayaa matalayay qaaradda, kuwaas oo laga soo kala xulay 13 waddan, haddana Afrika waxay soo saartay hal xul oo keliya oo u soo gudbay wareega afar dhammaadka.
Taariikhdaas taariikhiga ah waxay timid afar sano ka hor markii ay dhacday Qatar 2022, markii Morocco ay jabisay taariikh cusub oo ay dhigtay qaaradda labaad ee ugu weyn adduunka iyo tan labaad ee ugu dadka badan.
Waxay la macno tahay in aan la arag saadaalintii uu sameeyay Pele oo saddex jeer ku guuleystay Koobka Adduunka u qaaday Brazil, kaas oo 1970-meeyadii sheegay in qaran Afrikaan ahi uu koobka qabsan doono sanadka 2000, weli may dhicin.Su’aasha ugu weyni waa: intee la sugi doonnaa taa?
Qorshaha Maal gashiga dhallinyarada
Afrika waxay lahayd saddex kooxood oo hore u gaadhay wareega siddeed dhamaadka waxay kala ahaayeen: Cameroon sanadkii 1990, Senegal sanadkii 2002 iyo Ghana sanadkii 2010 – ka dib intii aanay Morocco ka badin Belgium, Spain iyo Portugal waxaanay gaadhay afarta ugu danbeeya ama afar dhammaadka koobkii 2022 ee Qatar.
Guusha dalkan Waqooyiga Afrika waxa keenay maalgashi muddo dheer socday oo uu taageeray Boqor Maxamed VI ee dalkaa.
Akadeemi iyo xarun tababar oo ay ku baxday $65m ah (£48.7m) ah, oo loogu magaca daray Boqorka, ayaa la furay sanadihii 2009 iyo 2019 siday u kala horreeyaan waxayna ka caawiyeen Atlas Lions inay isu aqoonsadaan kooxda ugu sarreysa Afrika.
“Morocco waxay samaysay qorshe ku saabsan sida loo sameyn karo, kaas oo ah sannado iyo sannado maalgelin ah oo lagu sameynayo kubadda cagta iyo akadeemiyada,” ayuu kabtankii hore ee Nigeria William Troost-Ekong u sheegay BBC Sport Africa.
“Morocco ma aanay gelin lacag oo keliya, laakiin sidoo kale waqti iyo dadaal, iyada oo fikrad cad ka haysata sida ay horumar u samayn karaan. Tas-hiilaadka ay haystaan, isku-xidhnaanta da’dooda oo dhan, waxaan u malaynayaa inay tahay qorshaha kaliya ee aad raaci karto.”
Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika (Caf), ayaa dhankiisa isku dayayay inuu xoojiyo khasnadda xidhiidhada qaranka iyo kooxaha naadiyada isaga oo kordhinaya lacagta abaalmarinta Koobka Qaramada Afrika (Afcon) iyo tartamada naadiyada qaaradda ugu sarreeya, iyo sidoo kale maalgelinta horyaallada dugsiyada.
“Dal Afrikaan ah ayaa noqon doona horyaalnimada adduunka,” ayuu saadaaliyay madaxweynaha Caf Patrice Motsepe.”Taasi waa waxa aan ka shaqeyneyno, taasi waa waxa aan maalgelineyno, waanan ku kalsoonnahay inay dhici doonto.”
Claude Le Roy, oo maamulayay Cameroon koobkii adduunka ee 1998, isla markaana tababare u soo noqday shan waddan oo Afrikaan ah, ayaa sheegay in maalgashiga dhallinyarada uu ka faa’iideysan doono mustaqbalka fog.
“Haddii aad rabto inaad si joogto ah u yeelato kooxo heer qaran ah oo heer sare ah Afrika, waxaad u baahan tahay inaad la shaqeyso qaybaha dhalinyarada,” ayuu yidhi 78 jirkan. “Taasi waa saldhigga wax walba.”
Halganka Matalaada
Afrika waxaa hore u diiday matalaad yar, iyada oo gumeysigu uu xaddiday fursadaha ka hor inta dalal badan ay ku dhawaaqin madaxbannaani sannadihii 1950-meeyadii iyo 60-meeyadii.
Masar, sanadkii 1934, waxay ahayd kooxda kaliya ee qaaradda ku tartamaysa siddeedii koob ee ugu horreeyay tartanka – Afrikana waxay qaadacday finalkii 1966 ka dib markii Fifa ay ku dhawaaqday in aanay yeelan doonin isreebreeb toos ah oo loogu soo baxayo Koobka Adduunka ee sanadkaas ka dhacaya England.
Qaaraddu waxay hal dhinac u dirtay finalka 1970, 1974 iyo 1978 – marka la barbardhigo ugu yaraan sagaal ka yimid Yurub iyo saddex ka yimid Koonfurta Ameerika.
Laba boos ayey lahaayeen laga bilaabo 1982, sannadkii 1994-kiina waxay gaadhay saddex, laga bilaabo 1998 waxay heshay shan, tartankuna wuxuu gaadhay guud ahaan 32 kooxood.
Lix dal ayaa metaleyey Afrika sanadkii 2010 markii Koonfur Afrika ay martigelisay, laakiin ciyaaraha kama dambaysta ah ee sanadkan oo ka dhacaya Kanada, Mexico iyo Maraykanka waxa ka qayb geli doona tiradii ugu weynad abid ee qaaradda waa 10 dal.
Maxaa ka maqan Afrika?
Senegal ayaa laga reebay koobka adduunka 2002 gool dahab ah markii Turkiga uu dhaliyay goolkii hore ee waqtigii dheeriga ahaa ee wareega sideed dhamaadka.
Maalgashiga oo dhan, matalaadda oo la kordhiyo iyo kalsoonida la kordhiyo, horyaal kasta oo suurtagal ah oo adduunka ah wuxuu u baahan doonaa nasiib yar inta uu socdo.
Senegal ayaa laga badiyay sharciga goolasha dahabka ah oo wakhtigaa jiray sannadkii 2002, halka Afrika ay markii ugu horreysay timid sannadkii 2010 siddeed dhammaadka, haddii weeraryahanka Ghana Asamoah Gyan aanu dayacin rigooradii Uruguay dhammaadka waqtiga dheeraadka ah ee rubuc-dhammaadka, Afrika afar dhammaaadka ayey gaadh lahayd.
“Horumar badan ayaa la sameeyay,” ayuu yidhi Michael Essien oo hore uga tirsanaan jiray Black Stars oo la hadlayay BBC Sport Africa. “Waxa kaliya ee maqan waa nasiib. Waa inaan sii wadnaa rumaysadka, waxaana rajeyneynaa inay maalin uun dhici doonto.”
Morocco iyo Senegal, oo kaalmaha sideedaad iyo 14aad kaga jira qiimaynta adduunka, ayaa bixiya rajada ugu fiican ee Afrika ay ku carqaladeyn karto kooxaha awoodda badan ee Yurub iyo Koonfurta Ameerika, laakiin labaduba waxay leeyihiin kooxo adag.
Haddii kooxda qaaradda ay mar kale hoos u dhacdo markaas Morocco waxay heli doontaa fursad gurigeeda ah sanadka 2030, markaas oo boqortooyadu ay si wadajir ah u martigelin doonto Portugal iyo Spain, waxayna rajeyneysaa inay qabato finalka.
Farqiga u dhexeeya ciyaartoyda ugu fiican ee ciyaarta ayaa si aan la dafiri karin u yar, daqiiqadda ay ciyaartoyda kubadda cagta ee qaaradda ka socda ay kor u qaadeen Koobka Adduunka – oo ay noqdeen halyeeyo Afrikaan ah – ayaa sii soo dhowaanaya.




















