Laba iyo Toban Qof Oo Lagu Dilay Toogasho Wadareed Ka Dhacday Magaaladda Johannesburg

0
143

Booliska Koonfur Afrika ayaa bilaabay baadigoob ka dib markii 12 qof lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday deegaan aan rasmi ahayn oo ku yaal Johannesburg. Ugu yaraan 10 tuhmane, oo si aad ah ugu hubaysan qoryo, ayaa galay Deegaanka aan rasmiga ahayn ee Jumpers ee ku yaal duleedka Cleveland habeenkii Arbacadii, waxayna rasaas fureen ka hor inta aanay ku baxsan gaadhi cad.

Weerarkak oo boolisku ugu yeedheen weerar “aan naxariis lahayn” oo “bahalnimo ah”, waxa kale oo lagu dhaawacay sagaal qof. Xubno ka tirsan bulshada Jumper ayaa aaminsan in toogashadan ay la xidhiidho dagaal cawska ah oo u dhexeeya kooxo macdan qodayaal sharci darro ah oo ku nool aagga. Macdan qodista sharci darrada ah ayaa ku soo badanaysay Koonfur Afrika, waxaana Koonfur afrika lagu tiriyaa dalalka ugu dilalka badan adduunka.

Waaxda booliiska maxalliga ah ayaa sheegtay in saraakiisheedu ay ka jawaabeen “cabasho ku saabsan rasaasta socota” abbaare 23:10 waqtiga maxalliga ah (21:10 GMT) Arbacadii.

Bayaan booliisku soo saareen waxa lagu yidhi ” In ka badan 10 tuhmane watay gaadhi Toyota Quantum oo cadi ay ku degeen meel u dhow saldhig shidaal oo ku yaal Cleveland,”. “Tuhmanayaasha ayaa la sheegay inay ka soo galeen deegaanka aan rasmiga ahayn labada albaab ee laga galo, waxayna ku dhex mareen aagga, iyaga oo rasaas ku furay dadka deegaanka iyo xubnaha bulshada meelo badan ka hor inta aanay goobta ka baxsan iyaga oo wata isla gaadhigii,” ayaa lagu daray bayaanka.

Booliska ayaa sheegay in siddeed nin iyo saddex dumar ah ay ku dhinteen goobta, halka nin kalena uu u dhintay dhaawacyadii soo gaadhay isaga oo ku jira isbitaalka. Ugu yaraan sagaal kale ayaa loo qaaday xarumo caafimaad oo kala duwan si loogu daweeyo dhaawacyada rasaasta.