Mombasa (Dawan) Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay ka qaadato sugidda amniga badaha iyo ilaalinta xeebaha. Intii uu socday shirkii afraad ee Guddida Hagidda Mashruuca EU CRIMARIO, ayaa cidamada Badda Somaliland si weyn loogu ammaanay doorkooda caalamiga ah ee ka hortagga khataraha amniga, la dagaallanka falalka sharci-darrada ah iyo iskaashiga xog-wadaagga ah ee heer gobol iyo heer caalami.
Shirkan caalamiga ah oo sannadkan lagu qabtay magaalo xeebeedda Mombasa ee dalka Kenya waxaa ka qaybgalay hoggaanno iyo saraakiil ka socday ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha oo ka kala socday 75 waddan, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda amniga badaha, horumarka laga sameeyey ilaalinta xeebaha, wadaagista xogaha badda iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha amni ee ka jira marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka.
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, Admiral Axmed Hure Haariye, ayaa ka qaybgalay shirkan, isaga oo ay ku wehelinayeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Badda Somaliland, oo uu ka mid yahay Dhame Cabdirisaaq Baashe Xuseen. Intii uu shirku socday, Xeebaha Somaliland ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah baddaha ugu amniga badan Geeska Afrika. Waxa si gaar ah loo xusay kaalinta wax ku oolka ah ee Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland ee heer gobol iyo heer caalami.
Admiral Axmed Hure Haariye ayaa madasha shirka ku soo bandhigay dadaallada ay Xukuumadda Somaliland ku bixinayso sugidda amniga badaha, ilaalinta xeebaha iyo xoojinta awoodaha Ciidanka Badda Somaliland. Waxa uu sidoo kale faahfaahiyey doorka ciidanku ka qaato ilaalinta xasilloonida Badda Cas iyo guud ahaan xeebaha Somaliland oo dhererkoodu gaadhayo 850 kiiloomitir.
Taliyuhu waxa uu sheegay ergooyinka caalamiga ah ee shirkan ka qayb galay in Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland ay door muhiim ah ku leeyihiin la socodka dhaqdhaqaaqyada badaha, ka hortagga khataraha amni, la dagaallanka falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca badda iyo xoojinta iskaashiga dhinaca xog-wadaagga ee dalalka gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Shirkan ayaa ah fursad ballaadhan oo muhiim ah, iyo fagaare caalami ah oo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ku muujisay kaalinta qaranka Somaliland iyo sumacadda sii kordhaysa ee ay ku leedashay fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan, nabadda, xasiloonida iyo sugidda amniga badaha, gaar ahaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marinnada-badda Geeska Afrika, kuwaas oo muhiim u ah ganacsiga, dhaqaalaha iyo isu socodka caalamka.




















