Aakhri Khudbada Waayo-Aragu Jeediyay!

0
35

Nin xikmad badan ayaa saaxiibadii uga sheekeeyay qiso xiiso leh, markii uu dhameeyay ayay dhamaantood wada qosleen. Haddana isla sheekadii ayuu mar kale ku celiyay , markii uu dhameeyay tiro yar oo badhkood ah ayaa qososhahay. Haddana mar kale ayuu bilaabay isla sheekaddii oo uu dhameeyay qofna wuu qosli waayay.

Markii ay qosli waayeen ayuu ku yidhi :” Maxaad qosolkii u joojiseen iyadoo isla sheekadii ah?”  Markaasi ayay yidhaahdeen “ waa qiso isku mid ah “. Ninkii xakiimka ahaa ayaa ku yidhi “ hadaa maxaad arrin isku mid ah murugadeeda u joogtaysaan, hadaanay arrinta qosolka lehba aydaan joogtaynayn”?