Maalqabeenka Mark Cuban wuxuu ku soo jeeda qoys xoogsato ah oo degenaa Pittsburgh ee Maraykanka mana ahayn nin maalqabeen ah markii hore. Wakhtigii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Indiana 1981 ee dalka Maraykanka, wuxuu shaqo ka helay shirkad iibisa barnaamjiyada computerka, inkasta oo markii danbe laga eryay.
Cuban oo markii shaqada laga eryay uga waramay xarunta warbaahinta ee Arianna Global Podcast, ayaa yidhi “ Anigu marna ma iloobi doon maamulihii shaqada iga eryay, waayo waxaan ka bartay inuu jiro maamule dib u soocd ah, xaqiiq wuxu ahaa hage dib u socod ah. Eriga Cuban Waxa sabab u ahaa markii uu maalin keliya furi waayay dukaanka isagoo ku mashquulsanaa macmiil muhiim ah. Inkasta oo Mark Cuba ka codsaday maamulaha in aanu shaqada ka eryin, haddana maamulaha Michel waxba kama aqblin sidaasi ayuu shaqadii kaga tegay.
Halkaasi ayuu ka bilaabay fikirka abuuridad shaqo isaga u gaar ah oo ahayd dukaanka Microslution, muddo yar ka dibna waa uu xoogsatay ganacsigiisu.
MicroSolutions waxa shirkada tiknoolajiyadda ah oo uu aasaasay Mark Cuban sannadkii 1983. Markii shaqada laga eryay. Shirkaddu waxay iibisaa software-ka kombiyuutarrada waxaana ay bixisaa adeegyo isku-darka nidaamyada (systems integration).
Mark Cuban waxa uu ka mid yahay maalqabeenada isagoo hantidiisa lagu qiyaasay sanadkii 2025 hanti dhan $ 6 Billion doller. Sawirku waa labada wakhti maalintii shaqada laga eryay iyo markii uu hantida yeeshay.






















