Madaxweynaha Paraguay ayaa Salaasadii shalay ku dhawaaqay fasax qaran ka dib guushii cajiibka ahayd ee ay Paraguay ka gaadhay Jarmalka, iyada oo guushaa ku xaqiijisay markii ugu horaysay ee ay u soo gudubto wareega 16-ka koobka adduunka. Dalkan koonfurta Ameerika ayaa sameeyey mid ka mid ah lama filaanadii ugu weynaa tartanka koobka adduunka, iyaga oo 4-3 kaga badiyey Jarmalka oo afar jeer ku guulaystay koobka adduunka. Natiijadan ayaa noqotay mid ka mid ah waxyaabaha ugu la yaabka badan taariikhda koobka aduunka.
“Waxaana u dabaal degaynaa guusha ay keentay kooxda metelaysa Aqoonsiga, geesinimada, Iimaanka iyo xoogga qotada dheer aan weligii quusan” ayuu madaxweynahaas dalkaas Santiago Pena uu ku qoray barta X. “Maanta, wadanka oo dhan ayaa dabaal degaya”. Pena ayaa qoraalka raaciyey isaga oo xidhan funaanada Paraguay oo saxeexaya wareegtada fasaxa.
Wuxuu u mahad celiyey kooxda oo sheegay in ay dadka siiyeen farxad weyn oo ay dadkii isugu keeneen hal meel iyo hal calan. Fasaxa ayaa la sheegay in loo qaatay guusha Paraguay ee wareega 16-ka, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in ay u qalanto in loo dabaal dego.




















