“Xisbiga KULMIYE Wuu Taageersan Yahay Aqoonsiga iyo Safaaradda laga Furay Qudus-ta Galbeed”

0
37

 

Hargeysa (Dawan) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa ka hadlay mowqifka Xisbiga Kulmiye ee ku aaddan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Israa’iil, isagoo sheegay in xisbigu hore u caddeeyay taageeradiisa arrimahaas.

Cabdiweli Sheekh Suufi ayaa tilmaamay in Xisbiga Kulmiye uu si cad u taageersan yahay: Aqoonsiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland la yeelatay dawladda Israa’iil iyo taageerada furitaanka safaarado ay Somaliland ku yeelato dalalka dibadiisa, oo ay ku jirto Qudus Galbeed ee dalka Israa’iil.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye hore ayuu u caddeeyay mowqifkiisa. Waxa uu taageersan yahay aqoonsiga iyo xidhiidhka diblomaasi ee Somaliland la leedahay Israa’iil, oo ay ku jirto safaaradda Somaliland ee laga furay Qudus.”