Trump oo u hanjabay Iiraan ka dib markii aaska Khamenei Lagu muujiyey baaqyo furan oo ku aaddan dilka Trump

0
11

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u hanjabay Iiraan ka dib markii aaskii Hoggaamiyihii la dilay Ayatollah Ali Khamenei lagu muujiyey baaqyo furan oo ku aaddan dilka Trump, maamulka Tehrana uu ka shaqeynayo qorshe lagu fulinayo arrintaas.

Qoraal uu Trump Sabtidii ku qoray boggiisa Truth Social, ayuu ku sheegay inuu “1000 gantaal  oo hore leh u diyaariyey Iraan , waxa uu yidhi “Waa la rarayaa waxaana lagu bartilmaameedsanayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyada oo kumanaan kale oo gantaal isla markiiba raaci doonaan, waxa uu sheegay  in weerarku socon doono ilaa Dowladda Iiraan ay wax ka qabanayso hanjabaadeeda, laga sheegayo meelo badan oo Caalamka ah,  ee ah inay dilayso, ama isku daydo inay disho, Madaxweynaha Maraykanka ee hadda xilka haya,!”

Wuxuu intaas ku daray: “Amarro ayaa horey loo bixiyay, Ciidanka Maraykankana waa diyaar, diyaar, oo awood u leh, muddo hal sano ah, iyada oo loo kordhinayo, si ay gebi ahaanba u burburiyaan una burburiyaan dhammaan aagagga Iiraan!”

Warbaahinta Maraykanka ayaa werisay in Israa’iil ay Maraykanka uga digtay horraantii toddobaadkan qorshe cusub oo gaar ah oo Iiraan ay ku doonayso inay ku disho Trump.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay CNN in sirdoonka cusub ee Israa’iil uu faahfaahin ka bixiyay shirqool aad u gaar ah oo firfircoon. Wargeyska Wall Street Journal ayaa sidoo kale xaqiijiyay in hanjabaaddu ay tahay “mid cusub”.

Tehran ayaa ballanqaaday inay aargudan doonto Trump tan iyo 2020, markaas oo uu amray weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu dilay Jeneraal Qassem Soleimani oo ahaa madaxa ciidamada Iiraan.

Hanjabaaddan cusub ayaa la sheegay ayaa inay keentay in Waaxda Sirdoonka ee Maraykanka ay codsato in Trump uu beddelo diyaaradaha markii uu ka tagay shirkii NATO ee ka dhacay Turkiga horraantii toddobaadkan.