Madaxweyne Ku-xigeenka oo Ka Qayb-galay Aas-qaran oo lagu Sagootiyay Taliyihii CID-da

0
14

 

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa ka qayb galay aas qaran oo shalay magaalada Hargeysa loogu sameeyey Alle ha u naxariistee Taliyihii Waaxda Baadhista Danbiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi.

Aaska qaran oo ka qabsoomay xabaalaha Halleeya ayaa waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, taliyeyaasha ciidamada kala duwan, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo qaran.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, qaraabadii, bahda Ciidanka Booliska iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku. Waxa uu Alle SWT uga baryey inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka baxayna ka siiyo samir iyo iimaan.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu ku tilmaamay Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi sarkaal qaran oo si hufan, daacadnimo iyo karti leh ugu soo adeegay dalka iyo shacabka Somaliland. Waxa uu xusay in marxuumku door muuqda ka soo qaatay sugidda amniga, baadhista dambiyada iyo xoojinta hay’adaha amniga, isaga oo uga tagay Ciidanka Booliska taariikh adeeg oo lagu daydo.

Masuuliyiintii ka qayb-gashay aaska qaran ayaa iyaguna ka waramay kaalintii uu marxuumku ku lahaa horumarinta shaqada Ciidanka Booliska iyo dadaalkii uu u galay ilaalinta nabadda iyo kala dambaynta dalka, iyaga oo ku tilmaamay geesi qaran oo naf iyo maalba u huray adeegga shacabka iyo qaranka.

Aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi ayaa muujinaya qaddarinta ay Jamhuuriyadda Somaliland u hayso masuuliyiinta iyo saraakiisha naftooda u hura difaaca qaranka, ilaalinta amniga iyo u adeegidda bulshada.