30 Qof Ayaa Ku Dhintay Dab Ka Kacay Baar Lagu Caweeyo oo Bangkok ah

0
14

Mas’uuliyiinta Thailand ayaa baadhaya in ay dayacaad ahayd waxa sababay dabkii dhimashada dhaliyay ee ka kacay baar ku yaal Bangkok Axaddii, iyada oo dadkii ka badbaaday ay soo sheegeen in albaabada la xidhay isla markaana aanay jirin calaamado muujinaya meelaha laga baxo ee degdegga ah. Booliska ayaa sheegay in qurxinta  gudaha Baarka loo isticmaalka agabka guban kara kaas oo sahlayey faafitaanka degdega ah ee dabka, kaas oo ka soo bilowday meel u dhow masraxa.

Tani “waxay muujinaysaa taxaddar la’aan iyo tixgelin la’aan amniga macaamiisha,” ayuu yidhi Jeneraal Kittiratt Phanphet oo ka tirsan Booliska Isniintii. Dabka ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 30 qof iyo dhaawaca tobanaan kale. Dadkii ugu horreeyay ee ka jawaabay dabka ayaa helay qaar badan oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay musqulaha dhammaadka baarka, halkaas oo khubaradu ay aaminsan yihiin inay isku dayeen inay ka baxsadaan – laakiin aanay awoodin.

Ilaa subaxnimadii Salaasadii, 27 ka mid ah dadkii dhintay ayaa la aqoonsaday, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu. In ka badan 70 qof ayaa dhaawacmay, 24 ka mid ahna xaaladdoodu aad ayay u liidataa. Baadhitaanno hordhac ah ayaa sheegaya in dabka uu sababay koronto ku jirtay qaboojiyaha hawada, taas oo si degdeg ah u jartay korontadii oo dhan.

Laakiin dhowr qof oo hore u booqday baarka ayaa ku tilmaamay qol mugdi ah xitaa xaaladdiisii ​​hore. Phatsara Khamloet, oo booqatay bishii May, ayaa u sheegtay BBC Thai inay ku qasbanaatay inay marto “waddo qallafsan” si ay u gaadho musqusha, waxayna xustay in meelaha laga baxo aan si fiican loo calaamadin. Dadkii badbaaday ayaa ku tilmaamay masraxa inuu dab qabsaday ilbidhiqsiyo gudahood. Kooxda Thotsakan ee dalka Thailand, ayaa bandhig faneed ka sameyneysay markii dabku kacay, waxaana ay musiibadaa ku waayeen laba xubnood.

Sida la sheegay mulkiilaha baarka Rong Beer Na Lat Phrao ayaa hore u lahaa baar kale oo ku yaal gobolka Yasothon ee Thailand, kaas oo sidoo kale dab baabi’iyay bishii Diseembar 2019. Laakiin dabkaas oo dhacay maaliin wax khasaare aha muu geysan.  Maamulka Metropolitan-ka ee Bangkok ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan xeerarka maamulaya agabka loo ogol yahay dhismaha iyo qurxinta goobaha madadaalada iyo makhaayadaha.