Booliiska gobolka Telangana ee dalka Hindiya ayaa xidhay haweeney iyo laba nin oo kale oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka nin dhawaan ka soo laabtay dalka Sacuudiga. Booliisku waxay sheegeen in tuhmanayaasha, oo ay ku jirto xaaska marxuumka, lagu eedeeyay inay qorsheeyeen dilka ninka, iyagoo la sheegay inay isticmaaleen walxo sun ah iyo habab kale oo waxyeello leh. Sida ay booliisku sheegeen, ninka ayaa sidoo kale laga tuuray balakoonka gurigiisa intii uu socday fal-dambiyeedakani.
Sida laga soo xigtay booliiska, dhacdadan ayaa ku lug lahayd Prashant Dayani oo 36 jir ahaa, kaas oo deganaa degmada Nizamabad ee Telangana, isla markaana muddo ka shaqaynayay dalka Sacuudiga ka hor inta aanu dib ugu laaban dalkiisa. Booliisku waxay ku andacoonayaan in xaaskiisa iyo mid ka mid ah eedaysanayaasha kale ay lahaayeen xidhiidh, isla markaana ay u arkeen marxuumka inuu caqabad ku yahay xidhiidhkooda. Sidaas darteed, waxay sheegeen in la sameeyey qorshe lagu doonayay in lagu dilo.
Markii hore, geerida Prashant waxaa loo malaynayay inay ahayd dhacdo shil ah, balse cabasho ay gudbisay hooyadiis iyo baadhitaanno ay sameeyeen booliisku ayaa keenay in saddex qof loo qabto tuhunka dilka. Booliisku waxay sheegeen in baadhitaanku wali socdo, isla markaana dacwad rasmi ah loo gudbin doono maxkamadda marka la dhammeeyo xog ururinta. Sidoo kale, lama xaqiijin in dad kale ay ku lug lahaayeen dhacdadan iyo in kale.
Qoyska marxuumka ayaa dalbaday in caddaalad la helo, halka qoyska haweeneyda eedaysanaha ah ay ka gaabsadeen inay faallo ka bixiyaan kiiska. Sidookale Booliisku waxay sheegeen in qorshuhu ahaa in Prashant la dilo laba jeer muddo 24 saacadood gudahood ah. Sida ay sheegayaan xogta horudhaca ah, ninka ayaa markii hore lagu weeraray isaga oo sakhraansan, waxaana la sheegay in laga tuuray balakoon. Kadib waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Nizamabad, halkaas oo markii dambe dib loogu celiyey gurigiisa. Booliisku waxay ku andacoonayaan in intaas kadib la isticmaalay qalab caafimaad oo gacantiisa ku xidhnaa si loogu siiyo dawo dejisa iyo walxo kiimiko ah oo loo adeegsado nadiifinta musqulaha, taas oo ay sheegeen inay sababtay xaaladdiisa caafimaad oo sii xumaatay iyo geeridiisa.
Prashant ayaa muddo shan sano ah ka shaqaynayey dalka Sacuudiga, waxaana uu dib ugu soo laabtay gurigiisa 27-kii Juun. Sida ay sheegeen ehelkiisu, waxa uu qorshaynayay inuusan dib ugu laaban shaqada dibadda. Xaaskiisa Scindia iyo Prashant waxay is qabeen muddo 12 sano ah, waxaana ay lahaayeen laba carruur ah. Scindia, oo hore u soo qaadatay tababar caafimaad, waxay ka shaqaynaysay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Nazimabad.
Hooyada marxuumka ayaa sheegtay inay doonayso caddaalad, iyadoo ka hadashay murugada ay ka qaaday geerida wiilkeeda iyo sida ay ugu adkayd inay hesho meydkiisa markii uu isbitaalka yaallay. Dhanka kale, qoyska Scindia ayaa ka gaabsaday inay faallo ka bixiyaan kiiska, halka walaalkeed Sagar uu sheegay in carruurta Prashant iyo Scindia ay hadda ku jiraan gacantiisa. Booliisku waxay sheegeen in baadhitaanku wali socdo, isla markaana aanay meesha ka saarin in dad kale ay ku lug yeelan karaan dhacdadan.




















