“Fihiima Quunje Waa la soo Dhawaynayaa” Wasiirka Wasaarada Dastuurka

0
33

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Somaliland soo dhawaynayso Xildhibaan Fahiima Quunje oo dhawaan shaacisay in ay si rasmi ah uga soo noqotay fikirkii ay aaminsanayd ee Federaalka iyo Soomaali-weyn.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan waxa uu sheegay in qof kasta oo ka soo jeeda Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool uu yahay muwaadin reer Somaliland ah, sidaas darteedna la soo dhawaynayo haddii uu doorto inuu ku soo laabto Somaliland.

Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in haddii Fahiima Quunje ay garawsatay kana soo noqotay fikirkii Federaalka iyo Soomaali-weynta, ay xaq u leedahay inay ku soo noqoto dalkeda, isla markaana lagu soo dhawaynayo maadaama oo arrintaasi ay waafaqsan tahay dastuurka Somaliland.

Wasiirka arrimahaas ka hadlayay ayuu yidhi: “Laascanood Qofkasta oo ka yimaada waynu soo dhawaynaya. Fahiima Quunje haday garawsatay oo kaso-noqotay Fedaraalkii iyo Soomali-weyn dastuurkuna wuxu u banaynaya inay dalkeeda Somaliland kuso noqoto”.