Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo Xoojiyay Qorshaha Nabadgelyada iyo Wadashaqaynta Hay’adaha Amniga

0
29

Hargeysa (Dawan) Kulanka amniga ee uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, waa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa sida ay xukuumaddu mudnaan sare u siinayso ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada. Shirkan ayaa sidoo kale caddeynaya muhiimadda uu amnigu u leeyahay horumarka iyo nolosha bulshada, maadaama uu yahay tiirka ugu weyn ee lagu gaadhi karo xasillooni iyo horumar waara. Sidaa awgeed tallaabadani waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay xoojinta hannaanka amniga, joogtaynta qiimaynta xaaladda nabadgelyo iyo adkaynta wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee masuulka ka ah sugidda amniga.

Sidoo kale shirarka noocan ah ayaa door weyn ka qaataan isku-xidhka laamaha amniga, is-weydaarsiga xogta iyo dejinta qorshayaal wax-ku-ool ah. Sidaa darteed, waxaa mudan in la bogaadiyo dadaalka maamulka Gobolka Maroodi-jeex ee ku aaddan dib-u-eegista go’aamadii hore iyo qiimaynta heerka fulintooda. Tani waxay muujinaysaa hannaan maamul oo ku dhisan isla-xisaabtan, qorshayn iyo dabagal joogto ah, kuwaas oo lagama maarmaan u ah xaqiijinta natiijooyin la taaban karo.

Iskaashiga ka dhexeeya maamulka gobolka, laamaha amniga iyo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah furaha lagu sii xoojin karo nabadgelyada. Sidaa awgeed shirkan istaraatiijiga ah ayaa muujinaya Hoggaan si joogto ah ula socda xaaladda amni, dhegaysta talooyinka hay’adaha kala duwan, isla markaana dhiirrigeliya wada-shaqaynta, isla markaana wuxuu abuurayaaa jawi ay bulshadu ku dareemayso ammaan iyo kalsooni.

Dadaallada uu wado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex waxay muujinayaan muhiimadda loo leeyahay in amniga loo wajaho si qorshaysan oo wadajir ah. Xoojinta kulamada amniga iyo isku-duwidda hay’adaha ammaanku waxay kaalin weyn ka qaadanayaan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale Go’aanka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ee lagu mamnuucayo in hub iyo rasaas laga rido aroosyada iyo munaasabadaha kale ayaa ah tallaabo mudan bogaadin, maadaama ay si toos ah uga qayb qaadanayso ilaalinta amniga iyo badqabka bulshada. Aroosyadu waa munaasabado lagu muujiyo farxad, isku duubni iyo wadajirka bulshada, balse farxaddaasi waa inay ku dhisnaataa masuuliyad iyo taxaddar. Maaedaama Rasaasta la iska rido xilliyada dabaaldegyadu ay marar badan keeni kartaa khataro aan loo baahnayn, dhaawacyo iyo qalqal ku yimaadda amniga dadweynaha.