Jürgen Klopp oo Hoggaamin Doona Dib-u-dhiska Xulka Jarmalka ilaa Koobka Adduunka ee 2030-ka

0
11

Xidhiidhka Kubadda Cagta Dalka Jarmalka ayaa si rasmi ah u magacaabay Jurgen Klopp inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka Jarmalka, isagoo qalinka ku duugay heshiis afar sanno ah oo soconaya ilaa sannadka 2030. Klopp oo hore u soo noqday tababaraha kooxda Liverpool, ayaa beddelaya Julian Nagelsmann, kaas oo xilka iska casilay kaddib guul-darradii xulka Jarmalku ka soo gaadhay tartanka Koobka Adduunka.

Klopp, oo caan ku ah guulihii uu la gaadhay kooxaha Borussia Dortmund iyo Liverpool, ayaa beddelaya Tababarihii hore e xulka Jarmalka Julian Nagelsmann. Magacaabistiisa ayaa qayb ka ah qorshaha dib loogu dhisayo xulka Jarmalka, kaddib natiijooyinkii ka soo baxay tartamadii waaweynaa ee u dambeeyay kuwaasi oo noqday kuwa aan lagu qanacsanayn.

Klopp ayaa shirkiisi jaraa’id ee ugu horreeyay ku sheegay inuu si buuxda uga go’an tahay horumarinta xulka qaranka, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo asturnaanta qoyskiisa. “Waan ku faraxsanahay kalsoonida la i siiyay. Waxaan diyaar u ahay inaan awoodayda oo dhan u huro horumarinta xulka Jarmalka. Si kastaba ha ahaatee, waxaan rajeynayaa in la ixtiraamo noloshayda gaarka ah iyo tan qoyskayga,” ayuu yidhi Klopp.

Tababaraha cusub ayaa sheegay in xilka hoggaaminta xulka qaranku uu yahay heerka ugu sarreeya ee uu gaadhi karo tababare kubadda cagta ah, isagoo xusay in uu u arko waajib qaran oo mudan dadaal iyo daacadnimo buuxda. Klopp ayaa sidoo kale tilmaamay in uu hadda dareemayo in waqtigu ku habboonaa dib ugu soo laabashada tababarenimada, kaddib markii uu ka nastay shaqada tan iyo markii uu ka tegay Liverpool xagaagii 2024.

Xulka Jarmalka ayaa la filayaa inuu yeesho kulankiisii ugu horreeyay ee uu Klopp hoggaaminayo 24-ka Sebtembar, markaas oo ay la ciyaari doonaan Netherlands ciyaar ka tirsan tartanka UEFA Nations League. Sidoo kale magacaabistan ayaa la filayaa inay qayb ka noqoto qorshaha dib-u-dhiska iyo xoojinta xulka qaranka Jarmalka, iyadoo himiladu tahay in kooxda dib loogu soo celiyo tartamada waaweyn ee caalamiga ah iyo inay si wanaagsan uga qayb gasho Koobka Adduunka 2030.